Qarax culus oo ka dhacay Muqdisho iyo fahfaahin dheeraad ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax xooggan ayaa galabnimdii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo loo adeegsaday Garai lagu soo xiray walxaha qarxa.

Gaariga ayaa ku qarxay nawaaxiga Beerta Nabadda, dhanka Hotel Muna, oo ku yaalla meel aan ka fogeyn Aqalka Madaxtooyadda dalka [Villa Somalia], taasoo amaankeeda ay ilaaliyaan ciidamo Midowga Africa ee AMISOM.

Goobjooge la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in gaariga uu yaalla meel baabuurta lagu dhaqo [Lawaajo], iyadoo uu ku dhintay ninkii xilligaasi dhaqayay, waxaana jira dad kale oo ku dhaawacmay.

Lama oga cida leh gaariga, balse waxay wararku sheegayaan in ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya ay goobta xireen, islamarkana ay wadaan baaritaan.

Falalkan noocan ah ayaa waxaa magaalada ka fulisa kooxda Al-Shabaab, oo qarxyo ugu xirta gaadiidka raxaada ah ee ay wataan saraakiisha hay'adaha amaanka, shaqaalaha dowladda iyo dadka kale ee muhiimka ah.

Fahfaahin dheeraad ah kala soco wararkeena dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM