Qarax culus oo ka dhacay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay [Sawirro]

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax gaari ayaa saaka ka dhacay magaaladda Muqdisho kaasoo laga maqlay qeybo badan oo kamid ah caasimadda, iyadoo cirka isku shareertay uuro, sida ay sheegeen goobjoogiyeyaasha.

Gaari lagu soo xiray walxaha qarxa, oo noociisu ahaa Prado ayaa ku qarxay meel ku dhaw Isgoyska aadka u mashquulka badan ee Digfeer, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan khasaarihii ka dhashay.

Mid kamid ah dadka ku ganacsada wadada qarkeeda ayaa u sheegay Warsidahaa Garowe Online in qofkii wadey Gaariga uu u muuqday mid aan aqoon badan u lahayn wadooyinka Muqdisho, kadib markii uu maray jid-cadde ka baxsan wadada weyn, oo hore ciid loogu xiray.

Ciidamo boolis ah oo Isgoyska Difgeer ku baara baabuurta ayaa arkay Gaari oo muraayado madow leh oo mudo dhowr daqiiqo ah yaalla goobta, kadibna waxay ku wargeliyeen dadweynaha inay ka fogaadaan.

Lama oga in qof uu ku dhex-jiray Gaariga qarxay, waxaana saraakiisha booliska ay sheegeen inay fashiliyeen qaraxa, iyagoo aan fahfaahin ka bixin in darawalka uu baxsaday in iyo uu ku dhintay qaraxa.

Wariyaha Garowe Online ee Muqdisho ayaa soo sheegaya in qaraxa uu burbur gaarsiiyay dhismooyinka ganacsi iyo kuwa shacab ay deganaayeen oo ku dhaw halka uu qaariga ku qarxay, oo hadda xiran.

Wali ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxa, balse Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro loo adeegsado baabuurta lagu soo xiro walxaha qarxa ka fulisa magaaladda Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM