Qarax gaari oo ka dhacay kontarool ku dhow madaarka Muqdisho

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax ka dhashay gaari ayaa lagu waramayaa in uu ka dhacay isgoyska KM4 ee bartamaha magaalada Muqdisho, caasimada dalka Soomaaliya.

Jugta qaraxa oo Uuro iyo qiix ka dhashay qeybo kamid ah magaala madaxda laga arkay ayaa dhawaqiisa laga maqlay degmooyinka ku teedsan isgoyskaasi mashquulka badan.

Warar horudhac ah ayaa sheegaya in weerarka uu ka dhacay bar kontarool oo ay aasgaasi ku leeyihiin ciidamadda dowladda federaalka ah, halkaasi oo ay gaadiidka ku hubiyaan.

Kontaroolka oo ciidamo boolis ah ay joogaan ayaa kamid ah goobaha laga ilaaliyo ammaanka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Caddulle Cismaan.

Inta la xaqiijiyey todoba ruux ayaa ku dhaawacantay. Lama soo warin illaa iyo haatan khasaaro dhimasho, balse saraakiisha caafimaadka waxay sheegeen in ay tirakoobayaan.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas'uuliyadda qaraxan, balse waxaa looga bartay dagaalameyaasha Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida.

Qaraxan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadda oo laamaha amniga ay mudooyinkii dambe bixiyeen digniino ku aadan in magaalada uu ku jiraan gaadiid miineysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM