Qarax gaari oo lagu burburiyey buundadii degmada Buuloburde

Image
Image
Image
Image
Wariyeyaal ayaa Garowe Online u sheegay in qaraxa uu ka dhashay baabuur nooca raaxada ah oo laga soo buuxiyey waxyeebo qarxa.

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax xooggan oo ka dhacay degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan ayaa wuxuu burbur u geystay buundadii isku xiri-jirtey gobolada dhexe iyo caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Wariyeyaal ku sugan magaalada ayaa khadka telefoonka u sheegay warsidaha Garowe Online in qaraxa uu ka dhashay baabuur nooca raaxada ah oo laga soo buuxiyey waxyeebo qarxa.

Sawirro iyo muuqaalo laga helay meesha ay wax ka dhaceen ayaa muujinaya ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya oo gaarey meesha ay wax ka dhaceen si ay u qiimeeyaan waxyeelada.

Khuburada dhanka ammaanka ayaa sheegaya in talaabadan ay u badan tahay in ay ka dambeysay Al-Shabaab si ay u hakiso dhaqdhaqaaqa ciidan ee ay iska kaashanayaan dadka iyo ciidamadda.

Howgaladan oo dowladda Soomaaliya ay ku tilmaamtey "kacdoon shacab" ayaa lagu xoreeyay degaano kala duwan, sidda laga soo xigtey warbixino ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka dowladda.

Tuulooyin u dhaxeeya magaalada Jowhar iyo degmada Raageceele ee gobalka Shabeellaha Dhexe oo muhiim u ahaa isu-socodka argagixisada ayay ciidamada maanta la wareegeen, sidda ay warisay warbaahinta dowladda.

Dhanka kale, kumaandooska Gorgor ayaa howgalo ay ka sameeyeen deegaanno u dhow Nuur Fanax ee gobolka Hiiraan waxay sheegeen in ay ku dileen todoba kamid ah argagixisadda.

"Howgalka kumaandooska xoogga dalka ayaa bar tilmaamadeeystay Maleeshiyaad si dhuumaaleysi ah ku yimaaday tuulooyin ku dhow deegaanka Nuur Fanax," ayay daabacdey wakaaladda wararka qaranka.

SONNA oo soo xiganaysa illo milatari ayaa hadalkeeda waxay intaas kusii dartey: "Ciidanka Xoogga Dalka ayaa halkaasi ku qaarijiyeen 7 dhagarqabe oo ka tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab".

Guud ahaan Soomaaliya, waxaa ka soconaya howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab kuwaasoo ay iska kaashanayaan dadka degaanka iyo ciidamadda iyaga oo taageero dhanka hawada ah ka helaya saaxiibada caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo ka digay qorshaha Israel ee dalka Soomaaliya 

Hadalka wasiirka ayaa daba socda xiisad ka dhalatay go’aankii Israa’iil ay 26-kii Diseembar ku aqoonsatay madax-bannaanida Somaliland.

  • Soomaliya

    11-01-2026

  • 09:14AM

India oo taageertay midnimada Soomaaliya, xilli ay iska fogaysay aqoonsiga Somaliland

Go’aankan ka soo baxay Hindiya ayaa ku soo beegmaya xilli ay xiisad diblomaasiyadeed ka jirto Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    10-01-2026

  • 12:42PM