Qarax ka dhacay magaalada Dhuusamareeb

Image
Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Ugu yaraan hal ruux ayaa ku dhintay, laba kelana way ku dhaawacmeen markii qarax uu maanta oo Axad ah ka dhacay magaaladda Dhuusamareeb, caasimada Galmudug.

Sidda ay sheegeen saraakiisha amniga maamul goboleedkaasi, shaqsiga geeriyooday uu ahaa Askari.

Shan qof oo kale ayaa Ku dhaawacmay qaraxa oo ahaa miino lagu assay Makhaayad shaah laga cabo.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegayaa in uu ka dhacay meel ku dhow maqaayad Shaaxa laga cabo oo ku taala agagaarka Madaxtooyadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Dhacdadan ayaa imaaneysa iyadda oo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre uu ku sugan yahay magaaladda, oo uu dhowaanahaanba kulamo kula yeelanayey Odayaasha Dhaqanka.

Si lamid ah, waxaa shalay magaaladaasi dhacda bartamaha Soomaaliya tegay wafdi ka socdey Wasaaradda Gaashaandhiga Qadar, kuwaasi oo wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka la kulmay.

Bishii Maaj ayay ahayd markii magaaladda Guriceel lagu qabtey ruux isku soo xiray walxo qarxa oo damac-sanaa in uu isku miidaayo goob ay ka socotay munaasabad ayna goobjoog ka ahaayeen hogaanka Ahlu Sunna.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM