Qarax is-miidaamin oo ka dhacay xafiiska duqa Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax xoogan ayaa lagu waramayaa in uu ka dhacay xarunta Dowladda Hoose ee maamulka Gobolka Banaadir, ahna xafiiska duqa caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Jugta qaraxa ayaa laga maqlay qaybo kamid ah magaala madaxda dalka dhaca Geeska Afrika, iyadda ay goobta kusoo qulqulayaa gaadiidka gurmadka degdeg ah.

Wararka ayaa waxay intaasi ku daraya in qaraxa uu ahaa is-miidaamin, wallow aanan illaa iyo haatan wali la cayimin khasaaraha guud ahaan ee ka dhashay dhacdadan.

Fahfaahinada qaarkood ayaa waxay tibaaxaya in Cabdiraxmaan Cumar [Eng Yariisow], gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, uu ku dhaawacmay weerarkan.

Sidda ay xogta intaasi raacineyso, mas'uuliyiin kale oo heer degmo iyo gobol ah ayaa la sheegayaa in ay kamid yihiin dadka wax ku noqday qaraxaasi.

Illaa iyo haatan ma jirto koox dusha saaratay mas'uuliyadda falkan balse waxaa looga bartay ficilada noocaan ah dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

Saacado kahor inta uusan qaraxu dhicin, waxaa xarunta maamulka gobolka Banaadir ka tegay ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, oo booqasho ku tegay xaruntaasi.

Qaraxan ayaa kusoo aadaya iyadda oo maanta dhowr madaafiic lagu gannay dhismeyaal ku dhow Madaxtooyadda Qaranka, wallow aanan la hubin waxyeeladda ka dhashay.

Isniintii ayey ahayd markii qarax ka dhacay isgoyska KM4 ee Muqdisho ay ku dhinteen 17 ruux oo shacab u badan iyo ku dhowaad 30 kale oo dhaawacyo kala duwan soo gaarey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM