Qarax is-miidaamin oo ka dhacay xafiiska duqa Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax xoogan ayaa lagu waramayaa in uu ka dhacay xarunta Dowladda Hoose ee maamulka Gobolka Banaadir, ahna xafiiska duqa caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Jugta qaraxa ayaa laga maqlay qaybo kamid ah magaala madaxda dalka dhaca Geeska Afrika, iyadda ay goobta kusoo qulqulayaa gaadiidka gurmadka degdeg ah.

Wararka ayaa waxay intaasi ku daraya in qaraxa uu ahaa is-miidaamin, wallow aanan illaa iyo haatan wali la cayimin khasaaraha guud ahaan ee ka dhashay dhacdadan.

Fahfaahinada qaarkood ayaa waxay tibaaxaya in Cabdiraxmaan Cumar [Eng Yariisow], gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, uu ku dhaawacmay weerarkan.

Sidda ay xogta intaasi raacineyso, mas'uuliyiin kale oo heer degmo iyo gobol ah ayaa la sheegayaa in ay kamid yihiin dadka wax ku noqday qaraxaasi.

Illaa iyo haatan ma jirto koox dusha saaratay mas'uuliyadda falkan balse waxaa looga bartay ficilada noocaan ah dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

Saacado kahor inta uusan qaraxu dhicin, waxaa xarunta maamulka gobolka Banaadir ka tegay ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, oo booqasho ku tegay xaruntaasi.

Qaraxan ayaa kusoo aadaya iyadda oo maanta dhowr madaafiic lagu gannay dhismeyaal ku dhow Madaxtooyadda Qaranka, wallow aanan la hubin waxyeeladda ka dhashay.

Isniintii ayey ahayd markii qarax ka dhacay isgoyska KM4 ee Muqdisho ay ku dhinteen 17 ruux oo shacab u badan iyo ku dhowaad 30 kale oo dhaawacyo kala duwan soo gaarey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Colaadda Gobolka Gedo: Dagaal culus oo dib uga qarxay Beled-Xaawo

Goob-joogayaal ayaa soo sheegay in dagaalku uu ahaa mid culus, iyadoo la isku adeegsaday hubka culus sida madaafiicda.

  • Soomaliya

    29-07-2025

  • 12:13PM

Soomaaliya: Sidee Ku Bilowday Dagaalka Doolow? Yey Ahaayeen Dhinacyadii dagaalamey?

Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya xilli khilaafka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo Jubaland…

  • Soomaliya

    28-07-2025

  • 09:36PM