Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Image

BOOSAASO - Ugu yaraan afar qof, oo ay ku jiraan laba shaqaale oo ka tirsanaa shirkadda isgaarsiinta iyo laba askari, ayaa ku dhintay qarax ka dhacay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Ilo amni ayaa sheegay in Daacish ay beegsatay gaari ay lahayd shirkadda Golis Telecom xilli uu marayay deegaankaasi. Hal askari oo kale oo ka tirsan ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa si daran ugu dhaawacmay, waxaana la sheegay inuu ku jiro xaalad halis ah.

Weerarkan ayaa dhacay xilli shirkaddu ay isku dayaysay inay dib u soo celiso adeegyada isgaarsiinta ee Calmiskaad, kadib qaraxyo hore oo burburiyay kaabayaashii deegaanka, oo ay ku jirto xarun isgaarsiineed.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in dhacdadani ay muujinayso weli jiritaanka dagaalyahannada Daacish ee ku sugan dhulka buuraleyda ah, inkastoo maamulka Puntland uu marar badan sheegay in awoodda kooxdaasi si weyn loo wiiqay.

Qaraxan ayaa imanaya maalmo kadib duqeymo la sheegay in lagu dilay xubno ka tirsan Daacish oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen qaraxyo iyo jidgooyooyin laga sameeyay gobolka.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari ee ka dhanka ah kooxaha hubeysan, ee Daacish iyo Al-Shabaab, si loo soo celiyo amniga iyo xasilloonida Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM