Qarax ka dhacay duleedka Afgooye iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

AFGOOYE, Soomaaliya - Fahfaahino dheeri ah ayaa kasoo baxay qarax nooca Miinada ah oo Askar ka tirsan ciidamada dowladda lagula eegtay duleedka magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, Koonfurta Soomaaliya.

Illo wareedyo dadka degaanka ah ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in qaraxa lala beegsadey Gaari nooca Cabdilaha loo yaqaano, kaasi oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan Milatariga dalka.

Inta la xaqiijiyay Hal Askari oo kolanyadda la socdey ayaa ku dhintay, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale, kuwaasoo dhaawacyadooda loola soo cararey Isbitaalada si loogu daaweeyo.

"Qaraxa wuxuu ahaa mid ay Jugtiisu cusleyd...Haa, duleedka Afgooye ayaa ciidamo dowladda ka tirsan oo dhanka magaalada kusoo wajahnaa lagula beegsadey," ayuu yiri Goobjooge lagu magacaabo Maadey.

Dagaalamayaasha hubeysan ee Al-Shabaab ayaa dhabarka saartey masuuliyadda weerarkaan, iyaga oo afka ku balaariyey inay ku dileen tiro ka tirsan Askarta dowladda, inkasta oo aysan cayimin.

Wadada isku xirta degmada Afgooye iyo degaanada kale ee Koonfur Galbeed ayaa inta badan waxaa weeraro noocaan ah lagula beegsadaan Askarta dowladda, taasoo khasaarooyin kala duwan dhalisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM