Sarkaal ka tirsan ciidanka Villa Soomaaliya oo la qarxiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax ayaa laga maqlay caasimada ee Muqdisho. Warar horudhac ah waxay sheegayaan in uu ka dhacay Ajibka Afasiyooni isla markaana ay tahay miino lala beegsaday sarkaal ka tirsan milatariga Soomaaliya kaasoo la xusayo in uu dhaawac soo gaarey.

Illo wareedyo ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in sarkaalka la bartilmaameedsaday lagu magacaabo Cumar Cabdiraxmaan Abuukar.

Warar ayaa sheegaya in Cumar oo darajadiisu tahay Korneyl uu dhaawac soo gaarey isla markaana loola cararay isbitaal.

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyadda weerarkaas. Balse, dhacdooyinkan waxaa looga bartay maleyshiyadda hubeysan ee Al-Shabaab.

"Sarkaalka wuxuu ka tirsan yahay ciidanka Madaxtooyadda. Wuxuu madax usoo noqdey qeybta 7aad ee milatariga," ayay GO u sheegeen dhowr illo wareed kala duwan.

Goobjoogeyaal ayaa intaas ku daray in ay jirto dhimasho iyo dhaawac oo soo gaarey askaf ilaalo u ahayd sarkaalka lana socotay gaarigiisa.

Hal illo wareed ayaa tibaaxay in Cumar uu haatan ahaa madaxa ilaaladda gaarka ah ee musharax madaxwayne Daahir Maxamuud Geelle oo kamid ah mucaaradka ugu weyn ee madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Weerarkan ayaa wuxuu kusoo aadayaa xilli Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, Sabtida maanta ah si ballaaran loogu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde kahor shirka dowladda federaalka iyo maamuladda ee lagu xalinayo khilaafka doorashooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM