Qarax khasaaro sababay oo ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Inta la xaqiijiyey afar askari ayaa ku geeriyootay, tirro kalana way ku dhaawacantay qarax miino oo Sabtida maanta ah ka dhacay degmadda Shibis ee magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Sidda ay sheegayaan warar horudhac ah, qaraxa ayaa lala beegsaday gaari uu la socday Nabadoon Muxudiin Xasan Afrax kaasoo kamid ah dadka loola cararay goobaha caafimaad ee xaaladooda lala tacaalayo.

Sidoo kale, Xildhibaan hore Xuseen Caraale Cadaan ayaa lagu waramay in uu kamid yahay dadka ku dhaawacmay weerarkaan isla markaana xaaladooda caafimaad hadda lala tacaalayo.

"Xuseen Caraale waxaan arkay isaga bir ay ku jirto. Sidoo kale, waxaan arkay saddex askari oo midkood sakaraat yahay," ayuu yiri Goobjooge telefoonka kula hadlay Garowe Online.

Askarta ku dhimatay falkaas aysan wali jirin koox si rasmi ah dusha u saaratay mas'uuliyadiisa ayaa waxay ahaayeen ilaaladda nabadoonka oo dhaawaca soo gaarey ay warar kala duwan kasoo baxayaan heerka uu la eg-yahay.

Saraakiil ka tirsan taliska booliska Soomaaliya oo u waramay warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in ay askar u direen goobta wax ka dhaceen ayna baarayaan cidda ku lugta lahayd dhacdadaas.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo bartiisa garrka ah ee Facebook kusoo daabacay qoraal ayaa tuhunsan in weeraradii u dambeeyay ee caasimada ka dhacayay aysan Al-Shabaab ka dambeyn.

"Duqowda Mudulood ee maanta miinada loo dhigay caafimaad degdeg ah Allaha siiyo. Maalmo ka hor ayay ahayd markaan idiin sheegay MIINOOYINKA SOO BOODA in Muqdisho la soo dhoobay. Waxaan mar kale ku celinayaa shaar Shabaab inta la idiin soo gashado yaan la idin dabargoynin ee qaraabooy hala isjiro!," ayuu ku daray.

20-kii bishaan Janaayo, ciidamo ka tirsan dowladda ayaa isgoyska Jid Mareexaan ee degmada Howlwadaag waxay ku dileen gudoomiyihii degmadda Hodan, Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise [Dhaga-juun].

Dhagajuun ayaa gelinkii hore ee Arbacada todobaadkii hore wuxuu kasoo laabtey safar caafimaad oo Turkiga uu u aadey ka gedaal markii uu ku dhaawacmay qarax miino oo Al-Shabaab la eegatay dhamaadkii November, 2020.

Dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir oo guddi baaris u saarey toogashadaas ayaa shaaca ka dhigay in ay xiran yihiin taliyeyaal iyo saraakiil "ku lug-lahaa falkaas ayna cadaaladda wajihi doonan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM