Guddoomiye degmo oo lagu dilay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Gudoomiyihii degmadda Hodan ee gobolka Banaadir, Cabdixakiim Dhegajuun, ayaa lagu waramay in saqdii dhexe ee Arbacada lagu khaarijiyey isgoyska Jid Mareexaanka ee magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Si dhab ah looma oga cidda ka dambeysay falkaas. Waxaase kasoo baxaya fahfaahino kala duwan aan midkoodna si rasmi ah loo xaqiijin. Balse, waxa kaliya ee la hubo waa in qaybo kamid ah caasimadda laga maqlay rasaas culus oo daran-doori ah.

Fahfaahinada aan wali la xaqiijin ayaa sheegaya in Dhagajuun uu ku dhintay rasaas ay gaarigiisa ku fureen askar ka tirsan saldhiga degmadda Howlwadaag. Balse, ma cadda sababta xabadaha ooda-uga-qaadeen baabuurkiisa.

Marxuumka ayaa gelinka hore ee Arbacadii wuxuu kasoo laabtey safar dibadda ah kaasoo uu u ambabaxay markii ay Al-Shabaab ku qarxisay kolanyo uu la socday wadada 21-ka October ee Muqdisho dhamaadka bishii November, 2020.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook afar saac kahor inta aan la dilin ayuu ku sheegay in aysan baqdin geli doonin beegsiga maleyshiyada gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida.

"Bismilaah Alle ayaa Mahad leh, intaa kadib waxaa maanta ku soo noqday dalka, kadib markii hawlo Caafimaad muddo kooban aan ugu maqnaa dalka Turkiga, Alle mahadii xaaladeyda Caafimaad aad ayeey u wanaagsan tahay," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Intaa kadib maanta markii aan imid, waxaan durba bilaabay shaqadii aan Bulshada u haayay, waxaana Shir Guddoomiyay, Shirka Isbuuclaha ah ee Degmooyinka Hodan & Hawlwadaag, kaasi oo looga hadlo hawlaha shaqo ee ka socda labada Degmo".

"Argagixisada mar kasta waxa ay isku dayaan in Bulshada Somaliyed ay ka niyad jabiyaan Dowladnimadooda, laakiin waxaan leenahay idiinma suuragaleyso qorshahaasi aad damacsan tihiin, idinka ayaana dhibka ku dambeyn doono Insha Allah," ayuu tibaaxay.

Dhagajuun ayaa hadalkiisa wuxuu kusoo gabagabeeyay: "Waxaa naga go'an inta nafta ay nagu jirto in aan u adeegno Bulshadeena qiimaha badan".

Dilka mas'uulkan ayaa waxay kusoo aadeysa xilli fiidnimadii Arbacadda ay ciidamada ammaanka howlgalo ka sameeyeen qaar kamida xaafadaha degmadda Howlwadaag halkaasoo habeenimadii u dambeeyay ka dhaceen weeraro bam-gacmeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo martiqaad u fidiyey madaxweynaha Tanzania

Villa Soomaaliya ayaa sheegtay in Samia Suluhu ay aqbashay casuumaada madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-04-2024

  • 04:09AM

Wariye xanuun ku soo booday xilli uu warbaahin Caalami ah warar ka aqrinayay

Xaalada caafimad ee wariyaha 56 jirka ah ayaa la shaaciyay inay ay haatan tahay mid degan.

  • Soomaliya

    27-04-2024

  • 08:29AM