Qarax lagu aasey goob Salaada Ciida loo qorsheeyay oo la fashiliyey

Image
Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Mas'uuliyiinta Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay fashiliyeen qarax Miino oo loogu talogalay in lagu beegsado dabaaldega Ciidul Fidriga oo maalinta koowaad loo dabaaldegayo Talaadda.

Sidda laga soo xigtay laamaha amaanka, miinada oo nooca waaweyn kamid ah ayaa lagu aasey goob loo qorsheeyay in lagu oogo Salaada Ciida, halkaasoo boqolaal ruux ay isugu imaan doonan.

Madashaasi laga soo saarey walxaha qarxa oo xoogaga dowladda ay gacanta ku hayaan waqti xaadirkan ayaa waxaa lagu waramayaa in ay ku taalo magaaladda Buurhakaba ee gobolka Bay.

Ma jirto koox ay mas'uuliyada weerarka la fashiliyey hay’addaha nabad-gelyadda dusha ka saareen wallow degaanadaasi ay ka howlgasho Al-Shabaab, oo gacansaar la leh Ururka Al-Qaacidda.

Geesta kale, taliska bileyska ee magaaladda ayaa waxaa laga soo xigtay in dhacdadaan kadib ay sare u qaadeen howlgalada lagu adkeynayo amniga magaalada oo ay ku nool yihiin in ka badan 190-kun oo ruux.

Saraakiisha ayay warbaahinta maxaliga ah tabineysaa in ay ugu baaqeen dadweynaha in ay kasoo qeybgalaan Salaada Ciidda isla markaana aysan wax baqdin ah ku abuurin qaraxa la fashiliyey.

Gobolada hoos-yimaada Koonfur Galbeed sida Bay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose ayaa kamid ah meelaha laga arkay bisha Soonfur, sidda ay shaacisay wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta xukuumada federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Dagaal oo Ka Soo Cusboonaatay Xuduudka Itoobiya Iyo Eritrea

Tallaabadan ayaa ku soo beegmeysa xilli weli ay taagan yihiin khilaafaadkii ka dhashay…

  • Soomaliya

    20-02-2026

  • 04:48PM

Sarkaal Sare oo Boolis ah oo Ka Badbaaday Qarax Muqdisho Ka Dhacay

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay hay’adaha ammaanka Soomaaliya wadaan dadaallo ay ku xoojinayaan amniga caasimadda.

  • Soomaliya

    20-02-2026

  • 11:50AM