Qarax lagu weeraray huteel ku yaala caasimadda HirShabelle

Image

JOWHAR, HirShabelle – Ugu yaraan hal qof ayaa la xaqiijiyey in uu ku dhaawacmay weerar fiidnimadii Khamiista lagu qaadey huteel ku yaala caasimada dowlad goboleedka HirShabelle ee Soomaaliya.

Goobjoogeyaal ayaa Garowe Online u sheegay in weerarka loo adeegsaday bam-gacmeed. Safa Hotel waxaa ku caweeya mas'uuliyiinta maamul uu hogaamiyo Maxamed Cabdi Waare.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka maaliyada Jowhar, Ismaaciil Warsame Faarax, ayaa lagu tilmaamay qofka dhaawacmay ee xaaladiisa caafimaad haatan lagula tacaalayo Isbitaalka guud.

Laamaha ammaanka gaar ahaan booliska oo falka kadib sameeyay howlgalo ayaa nan caddeyn hadii ay cid u soo qab-qabteen dhacdadaas.

Maleeyshiyaadka Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida ayaa inta badan dusha saarta falalka noocaan ah ee laga soo wariyo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Bishaan April 4-teeda ayay ahayd markii qarax Miino oo ka dhacay maqaaxi lagu shaaho oo ku taala bartamaha Jowhar ay dishay hal qof kuna dhaawacmeen ku dhowaad tobban ay mas'uuliyiin ku jiraan.

Falalka liddiga ku ah nabad-gelyada ee kusoo badanaya caasimadda HirShabelle ayaa kusoo aadaya xili ay soo dhow-dahay doorashada madaxtooyada iyo baarlamaanka oo bilooyin ay ka harsan tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DFS oo diiday in Itoobiya ka-qaybgalka dhoollatus lagu qabanayo biyaha Soomaaliya

Murankan cusub wuxuu imanayaa iyadoo ay wali taagan tahay xiisaddii diblomaasiyadeed ee ka dhalatay heshiiskii la saxiixay 1-dii Janaayo 2024.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 01:06PM

Dowladda Soomaaliya oo Soo Dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee DRC iyo M23

Soomaaliya waxay mar kale muujisay midnimadeeda iyo garab istaaggeeda shacabka DRC iyo guud ahaan gobolka.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 11:03AM