Qarax magalaada Muqdishu lagula beegsadey sarkaal ka tirsan Nabad sugida

Image

MUQDISHU, Somalia - Sarkaal katirsana Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka dalka ee (NISA), ayaa ku dhaawacmay qarax maanta oo Arbaco ah ka dhacay magaalada Muqdishu ee caasumadda Somalia.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Cabdullaahi Nuur Samatar [Caano Boore], uu ku dhaawacmay qarax loogu xiray Gaarigiisa, kaasi oo ku qarxay meel ku dhaw Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.

Goobjoogiyaal ayaa u xaqiijiyay GO Caano Boore dhaawiciisa loola cararay Isbitaal ku yaalla magaalada, si loogu daweeyo. Al shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyada qaraxa lagu dhaawacay Sarkaalka NISA.

Ciidamada dowladda Federaalka Somalia ayaa xiray goobta, kadibna sameeyay howlgall aan cidna lagu soo qaban. Ma jirto wax khasaaro ah oo dadka shacabka ee goobta ka agdhawaa kasoo gaarey qaraxa.

Qaraxan ayaa kusoo beegmaya, xilli dhawaan ay Dowladda joojisay Howgalkii Xailinta Caasumadda, kaasi oo wax badan ka bedelay amniga, kana hortagay weeraradii joogtada ee Kooxda Al shabaab.

Dadka ayaa su'aallo badan iska waydiinaya waxa keenay inuu joogsado howlgalka, waxaana la hadal hayaa in Saraakiisha sare ee Hay'adaha amniga loo xilsaarey ay lunsadeen dhaqaalihii loogu talo galay Howlgalkii Xasilinta Caasumadda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM