Qarax saddex qof ku dilay degmada Kaxda ee Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan saddex qof ayaa waxay ku nafweyday, ruux kalana wuu ku dhaawacmay qarax miino oo Arbacada maanta ah ka dhacay degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.

Illo wareedyo dhanka ammaanka ah ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in qaraxa lala beegsaday gaari noociisu yahay Land Cruiser. Balse, wali lama aqoonsan waxay ahaayeen dadka saarnaa.

"Saddex qof ee ku dhimatay falka iyo ruuxa kale ee dhaawacmay oo haweenay ahayd waxay dhamaantooda saarnaayeen gaariga," ayuu yiri mid kamid ah illo wareedyadda u waramay GO.

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyadda qaraxa. Balse, waxaa dhacdooyinka noocaan ah looga bartay maleyshiyada Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacidda.

"Ciidamadda dambi-baarista oo daqiiqado kadib yimid goobta qaraxu ka dhacay waxay sameeyeen baaritaan aan lasoo bandhigin natiijadda kasoo baxdey," ayay raaciyeen illo wareedyadda.

Qaraxaan ayaa kusoo aadaya xilli Muqdisho ay wajaheyso khilaaf siyaasadeed oo salka ku haya qabsoomida doorashooyinka iyo xaalad ciidan oo ka dhalatay is-mari-waagaas daba-dheeraadey.

Doorashooyinka Soomaaliya ayaa qorshaha wuxuu ahaa in ay qabsoomaan dhamaadka 2020 iyo horaanta 2021, hase ahaatee, waxaa dib-u-dhigay heshiis la'aanta lagu eedeeyay maamulka Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM