Qaraxii Zoobe oo bedelay Taariikhda Soomaaliya [Warbixin]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in tirada dhimashada qaraxii Zoobe (14-kii October, 2017) ay gaartey 276, iyadoo dhaawacana uu marayo 300 oo qof. Halkan ka akhriso.

Wasiirka Warfaafinta, Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in dowladda ay wado gurmad qaran, oo lagu badbaadinayo dadkii ku dhaawacmay qaraxa.

Yariisow ayaa xusay in dowladaha Djibouti, Kenya iyo Ethiopia ay u balan-qaadeen Soomaaliya inay usoo dirayaan diyaarado sida kaalmooyin caafimaad iyo dhaqaatiir, oo lagu caawinayo dhaawacyada.

Dowladda Turkiga ayaa sidoo kale usoo diraysa Muqdisho diyaarad Military, oo wada gargaar caafimaad, iyadoo dhaawacyada Xaaladooda dalka aan wax looga qaban karin u qaadayso Turkiga.

Wali ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkan dadka badan ee shacabka ah lagu laayay, xitaa Al shabaab, oo horey u sheegan jiray qaraxyada ka dhaca dalka.

Dhacdadan waxay noqday midkii ugu khasaaraha badnayd, ee ka dhacda dalka Soomaaliya Taariikhdan casriga.

Dadka ku dhintay waxaa ku jira 5 shaqaale samafal oo katirsanaa Bisha Cas, hal suxufi, iyo Agaasiimihii Wasaaradda Arrimaha gargaarka iyo maareynta masiibooyinka dowladda Soomaaliya Maxamuud Cilmi.

Wadada Zoobe ayaa xiran maalintii 3-aad, iyadoo wali meydad horleh laga soo saarayo dhismooyinkii ku burburay qaraxa, oo aad u saameeyay goobo ganacsi iyo hotel-ka Safari, oo ku taallay jidkaasi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhawaaqay shalay 3 maalin oo baroor-diiq qaran ah, iyo calanka oo hoos loo dhigay, si loo xuso dadkii ku dhintay weerarka.

Shalay waxaa aas-wadareed loo sameeyay in ka badan 110 qof, waxaana la filayaa in maanta tiro intaasi ka badan la aaso.

Wararkii ugu dambeeyay ee Warsidaha Garowe Online ka helayo Saraakiisha caafimaadk ayaa sheegaya in tirada dhimashda ay hadda gaartey 300, lagana cabsi qabo inay intaasi kasii badato.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM