Qaraxyo iyo weerar toos ah oo ka dhacay koonfurta Soomaaliya

Image
Khasaaro kala duran oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay falalkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Laba qarax oo Axada maanta ah ka dhacay laba magaalo oo ku yaalla koonfurta Soomaaliya ayaa sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sidda ay xaqiijiyeen illo dhanka ammaanka ah.

Miino la kacdey gaari ay la socdeen ciidamadda miino-baarista garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledwayne ayaa sababtey dhaawaca saddex askari iyo burburka baabuurka ay saarnaayeen.

"Xaafadda Xaawo-Taako si gaar ah meel aan sidaas uga fogeyn Laanta Nuur-Xawaad ee magaaladda ayaa weerarka uu ka dhacay," ayuu yiri sarkaal dhanka ammaanka oo magaciisa ka gaabsadey.

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku geeriyootay laba kalana way ku dhaawacmeen qarax miino oo mooto Bajaaj ku haleeshay degeenka Ceeldheere ee hoostaga degmadda Ceelbarde ee gobolka Baay.

"Dhamaan dadka dhaawacmay iyo kuwa dhintay waxay ahaayeen shacab isugu jira qaar mootadda la socdey iyo kuwa wadada marayay," ayuu yiri goobjooge u waramay warbaahinta maxaliga ah ee Risaala.

Dhanka kale, dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu waramay in ay weerar ku ekeeyeen fariisin ay ciidamadda dowladda ku leeyihiin degmadda Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

"Iska-hor-imaad xooggan ayaa ka dhacay halkaas. Labadda dhinac khasaaro ayaa soo gaarey. Balse ma jirto cid u dhowaan karta halka ay wax ka dhaceen taasoo adkeyneysa xaqiijinta waxyeelada," ayuu yiri qof degaanka ah.

Maleyshiyada Al-Shabaab ayaa u muuqata in ay ka jawaabayso howlgal qorsheysan oo ciidamadda dowladda ay todobaadkan ku burburiyeen xarun ay ku lahayd degaanka Mubaarak halkaasoo ay dadka uga qaadi jirtey lacago baad ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM