Qatar Airways oo bilowday duulimaadyadii tooska ee Muqdisho

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Shirkadda Duulimaadka Qadar ayaa maanta oo Isniin ah si rasmi ah u bilowday duulimaadyaadda tooska ee ay ku tageyso magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Duulimaadkii ugu horeeyay ee ay Qatar Airways ku cago dhigato Aadan Cadde Airport ayaa waxay siday 115 ruux oo rakaab ah, iyadda oo dibna u qaadeysa 85 kale, sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiinta Duulista.

Diyaarada ayaa kusoo hakatay Jabuuti kahor inta aysan si toos ah u imaan Muqdisho, sidda ay warsidaha Garowe Online u xaqiijiyeen mas'uuliyiinta.

Xafladda daahfurka oo ka qabsoontey gudaha gegida diyaaradaha ayaa waxaa kasoo qeybgalay wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo wakiilada Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

Qatar Airways ayaa Muqdisho ku imaan doona saddex maalmood isbuucii, inkasta oo aanan lasoo bandhigin maalmaha, haddana in la kordhiyo waxay ku xirnaan doontaa fursadaha ay u banaan.

Imaatinka shirkadan oo kamid ah kuwa ugu horeeya duulimaadka caalamka ayaa kordhineysa tirada diyaaradaha heerka caalami ee ka howlgala garoonka diyaarada wadanka leh xeebta ugu dheer Afrika.

Diyaaradaha kale ee caalamiga ah ee yimaada garoonka Muqdisho ayaa waxaa ka mid ah Turkish Airlines, Ethiopia Airlines iyo Kenya Airways, kuwaasi oo duulimaadyo maalinle leh fuliya.

Mas'uuliyiinta ayaa intaasi raaciyey in shirkado kale sida; Rwanda Airways, Uganda Airlines, Saudi Airlines iyo South African Airways ay jidka kusoo jiraan, isla markaana ay dhowaan ka shaqo bilaabi doonan dalka.

Saraakiisha garoonka Aadan Cadde oo sheegay in uu madaarka u diyaarsan yahay qaabilaada diyaaradahan ayaa kaliya caqabada jirta waxay ku sheegeen in ay tahay dhabaha soo cago dhigashada oo mid qura ah.

Inkasta oo dayactir u ku socdo garoonka, haddana amniga ayaa aad loo adkeeyay, taasi oo la tilmaamay in ay sabab u tahay in diyaaradaha caalamiga ah ay kusoo dhiiradan, laguna sifeeyay "fursad kobac dhaqaale keeni karta"

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM