Qiimaha lagu bixiyo shahaadada dugsiga sare oo la badalay

Image
Amarkan kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada federaalka ayaa dhaqan-galaya 1-da Oktoobar 2022.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Faarax Sheikh C/qaadir ayaa furay bixinta shahaadada dugsiga Sare ee sanad dugsiyeedka 2021-2022.

Faarax ayaa ku dhawaaqay in laga bilaabo 1-da Oktoobar 2022 in shahaadada lagu bixin doono shahaadada dugsiga sare lacag dhan 5$ oo ay qaadi doonto Wasaaradda Maaliyadda.

Qiimaha shahaadada ayaa markii hore waxaa looga qaadi jiray ardayga lacag dhan 20$ ayna si wada jira u qaadi jireen Wasaaradaha Waxbarashada iyo Maaliyadda xukuumadda federaalka.

Dhanka kale, wasiir Faarax  oo soo kormeeray dhisma cusub ee loogu talagay bixinta shahaadada dugsiga Sare ayaa si rasmi u sheegay in laga bilaabo 1-da Bisha Oktoobar Shahaadada loosoo wareejiyay xarunta Wasaaradda Waxbarashadda.

Wasiirka oo mid mid u booqday qolal ay ku shaqeeyaan howlwadewnada bixiya adeega shahaadooyinka ayaa kula dar-daarmay in ay si hufan ugu adeegaan ardayda Soomaaliyeeed ee adeega usoo doonta Wasaaradda Waxbarshada.

Wuxuu ku booriyay in ay ilaaliyaan amaanada ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed maadama "ay wakiil buuxa uga yahiin dowlada iyo dadka Soomaaliyeed ilaalinta shahaadada iyo dhowr sanaanta Waxbarashadda ardayga Soomaaliyeed ee kasoo baxay xuramha Kala duwan Waxbarshadda dalkeena".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM