Qodobada ay tahay lagu xusho ra'iisul wasaaraha Soomaaliya

Image
Xasan Sheekh oo la doortay 15 May ayaa haysta muddo 30 bari ah in uu ku soo magacaabo Ra’iisul wasaaraha.

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxaweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa laga filayaa inuu dhowaan soo magacaabo Ra’iisal Wasaarihiisa cusub si ay dowladdiisa u sii amba qaaddo dardar gellinta xafiisyada iyo nidaamka dowliga ah ee dalka iyada oo dood ka taagantahay waxyaabaha lagu soo xulankaro Ra’iisul wasaaraha cusub.

Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, madaxweynihii hore ee Puntland oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sharaxay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee ay tahay in uu soo magacaabo madaxweyne Xasan Sheekh iyo waxyaabaha ay tahay in lagu xusho

Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha cusub lagu xusho labo arrin oo kala ah; In uu qaban karo shaqada loo igmanayo iyo in uu si wanaagsan ula shaqeyn karo madaxweyne Xasan.

“Madaxweynaha cusub wax badan waa ogayahy oo dalkaan afar sano iyo xooga ayuu soo maamulayay, marka uu ogyahay jihada uu rabo in dalka uu u jeediyo. Waxaa loo baahan yahay Ra’iisul Wasaare shaqeyn kara oo wadanka meesha uu jooga ka qaada oo meesha uu istihaalo geeya, isagana la shaqeyn kara,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu ku dooday inaysan muhiimad gaar ah laheyn deegaanka uu kasoo jeedo qofka loo magacaabayo Ra’iisul Wasaaraha, xili saami-qeybsiga xilalka dalkeen uu yahay hab beeleed.

“Xasan hadda khibrada waa u leeyahay dadka uu soo xushay waxay isku maan-dhaafeen, marka waa in uu soo magacaabo qof uu ogyahay in shaqo uu la qaban karo oo is-fahamsan yihiin.”

“Ra’iisul Wasaaraha la magacaabayo waxa u muhiimsan ee horyaalla waa amniga iyo socodsiinta howlaha kale ee horyaalla ee kamid yihiin dhameystirka Dastuurka, hab federaalka iyo arrimaha siyaasada ee dalka.”

Cabdiweli Gaas ayaa ugu dambeyntiina kula taliyay madaxweyne Xasan in uu si aad ah uga fiirsado shaqsiga uu xilka Ra’iisul Wasaaraha usoo magacaabay, si aysan caqabad ugu noqon geedi socodka horumarka dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya oo la doortay 15 May ayaa haysta muddo 30 bari ah in uu ku soo magacaabo Ra’iisul wasaaraha xukumadda waxaana inta badan caado u ah madaxweyne-yaasha Soomaaliya ay magacaabaan wasiirka 1aad ee xukumadda ka dib caleema saarka madaxweynaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM