Qodobada ay tahay lagu xusho ra'iisul wasaaraha Soomaaliya

Image
Xasan Sheekh oo la doortay 15 May ayaa haysta muddo 30 bari ah in uu ku soo magacaabo Ra’iisul wasaaraha.

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxaweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa laga filayaa inuu dhowaan soo magacaabo Ra’iisal Wasaarihiisa cusub si ay dowladdiisa u sii amba qaaddo dardar gellinta xafiisyada iyo nidaamka dowliga ah ee dalka iyada oo dood ka taagantahay waxyaabaha lagu soo xulankaro Ra’iisul wasaaraha cusub.

Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, madaxweynihii hore ee Puntland oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sharaxay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee ay tahay in uu soo magacaabo madaxweyne Xasan Sheekh iyo waxyaabaha ay tahay in lagu xusho

Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha cusub lagu xusho labo arrin oo kala ah; In uu qaban karo shaqada loo igmanayo iyo in uu si wanaagsan ula shaqeyn karo madaxweyne Xasan.

“Madaxweynaha cusub wax badan waa ogayahy oo dalkaan afar sano iyo xooga ayuu soo maamulayay, marka uu ogyahay jihada uu rabo in dalka uu u jeediyo. Waxaa loo baahan yahay Ra’iisul Wasaare shaqeyn kara oo wadanka meesha uu jooga ka qaada oo meesha uu istihaalo geeya, isagana la shaqeyn kara,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu ku dooday inaysan muhiimad gaar ah laheyn deegaanka uu kasoo jeedo qofka loo magacaabayo Ra’iisul Wasaaraha, xili saami-qeybsiga xilalka dalkeen uu yahay hab beeleed.

“Xasan hadda khibrada waa u leeyahay dadka uu soo xushay waxay isku maan-dhaafeen, marka waa in uu soo magacaabo qof uu ogyahay in shaqo uu la qaban karo oo is-fahamsan yihiin.”

“Ra’iisul Wasaaraha la magacaabayo waxa u muhiimsan ee horyaalla waa amniga iyo socodsiinta howlaha kale ee horyaalla ee kamid yihiin dhameystirka Dastuurka, hab federaalka iyo arrimaha siyaasada ee dalka.”

Cabdiweli Gaas ayaa ugu dambeyntiina kula taliyay madaxweyne Xasan in uu si aad ah uga fiirsado shaqsiga uu xilka Ra’iisul Wasaaraha usoo magacaabay, si aysan caqabad ugu noqon geedi socodka horumarka dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya oo la doortay 15 May ayaa haysta muddo 30 bari ah in uu ku soo magacaabo Ra’iisul wasaaraha xukumadda waxaana inta badan caado u ah madaxweyne-yaasha Soomaaliya ay magacaabaan wasiirka 1aad ee xukumadda ka dib caleema saarka madaxweynaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Jubaland oo Kismaayo ku laabtay kadib safar uu ku tegay Puntland

Madaxweynaha ayaa sidoo kale si cad uga horyimid wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka KMG ah.

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 06:51PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo baaqy u diray hogaanka Somaliland

Labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa heshiiskaas ku tilmaamay "mid aan jirin" (null and void).

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 04:44PM