Qoorqoor oo Al-Shabaab ku eedeeyay "hurinta colaad beeleedyada"

Image
Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa ku booriyey "qabiilada in ay u midoobaan la dirirka argagixisada".

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, ayaa daah furay Shirwaynaha Guud ee Dib -U-Heshiisiinta Reer Galmudug, kaas oo shalay ka dhacay magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta dowladda Galmudug.

Kulankan ayaa hordhac u'ah goglo dib-u-heshiisiineed oo la dhigayo degmooyinka Galinsoor iyo Balanbal kuwaas oo lagu heshiisiinayo beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamay deegaanada Galmudug.

Qoorqoor ayaa ugu baaqay in ay heshiis dhab ah qaataan beelaha dirirtu dhaxmartay, isagoona xusay "in argagixisadu ay ka faa'iideesanayso dagaal beeleedyada si ay u dhexmarsadaan danahooda gurracan".

"Sidaas darteedna waa in ay heshiiyaan beelaha, una heshiiyaan argagixisada sida haatanba degmooyinka qaar ee Galmudug ay uga socdaan dadaalada xoogan ee kadhanka ah argagixisada," ayuu xusay.

Dhanka kale, madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa faray Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug, in si degdeg ah ay u dhigaan gogosha degmooyinka Balanbal iyo Galinsoor si loo sii anba qaado ka shaqeynta nabadda.

Galmudug ayaa kamid ah goobaha ay ka bilowdeen ololaha ay dadka shacabka ah hogaaminayaan ee lagula dagaalamayo maleyshiyadda Al-Shabaab isla markaana ay dowladda federaalka si weyn u taageereyso.

Isniinta maanta ah, wafdi ay hogaaminayaan wasiir ku xigeenka warfaafinta, Cabdiraxmaan Al-Cadaala iyo Xildhibaan Cabdi Saabir Nuur Shuuriye ayaa gaarey magaaladda Cadaado si ay u dardargeliyaan "kacdoonka shacabka," sidda ay qortey warbaahinta dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

OIC oo si adag u diiday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, taageerayna midnimada Soomaaliya

Sacuudi Carabiya, Masar iyo Pakistan ayaa ku tilmaamay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland mid sharci-darro ah oo halis ku ah amniga gobolka.

  • Soomaliya

    11-01-2026

  • 09:42AM

Fiqi oo ka digay qorshaha Israel ee dalka Soomaaliya 

Hadalka wasiirka ayaa daba socda xiisad ka dhalatay go’aankii Israa’iil ay 26-kii Diseembar ku aqoonsatay madax-bannaanida Somaliland.

  • Soomaliya

    11-01-2026

  • 09:14AM