Qoorqoor oo ka hadlay xulista xubnaha Golaha Shacabka

Image
Image
Image
Image
Madaxweynaha Galmudug ayaa hadalkan wuxuu ka sheegay munaasabad saxiixa shuruucyo.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayne Axmed Cabdi Kaariye [Qoorqoor] ayaa Sabtida maanta ah wuxuu saxiixay hindise sharciyeedyo ay meel mariyeen Golaha Wasiirada iyo Baarlamaakna Galmudug.

Madaxtooyadda Galmudug ayaa intaas ku dartey "iyadoona Madaxwaynaha uu sharciyadan sixiixay kadib munaasabad ballaaran oo lagu qabtay madaxtooyada Dowladda Galmudug".

Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qeyb galay guddoonka sare ee Barlamanka Galmudug, oo uu horkacayay Gudoomiye Dr. Mohamed Nuur Gacal, xildhibaano iyo wasiiro katirsan dowladda Galmudug, xildhibaano katirsan labada gole ee dowladda Federaalka iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo maanta goob joog u’ahaa sharciyada lasaxiixay.

Sharciyada uu maanta sixiixay madaxwaynaha dowladda Galmudug ayaa waxaa kamid ahaa degmo u’aqoonsida Xeraale, waxaana ay gaarayaan sharciyada lasixiixay illaa iyo toban sharci kuwaas oo kala ah.

1- Sharciga Kalluumaysiga

2- Sharciga Nidaaminta Magaalooyinka

3- Sharciga Ujrooyinka Kalluumaysiga

4- Sharciga Shirkadaha

5- Sharciga Nootaayada

6- Sharciga Degmaynta Xeraale

7- Sharciga Shaqaalaha Rayidka ah

8- Sharciga Shaqaalaha Guud

9- Sharciga Biyaha

10- Sharciga Golaha Adeegga Garsoorka.

Dhanka kale, Madaxwaynaha ayaa waxa uu ka hadlay arimaha doorashada, waxana uu sheegay in kuraastii taallay caasimadda Dowlada Galmudug ee Dhuusamarreeb lasoo gaba-gabeeyay, lana bilaabayo kursaasta taalla magaalada Galkacyo.

Qoor-qoor ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in laba todobaad lagu daray waqtigii doorashada loo qabtay, kadib kulan ay yeesheen gudiga doorashooyiska qaran ee heer Federaal.

Qoraalka madaxtooyadda ayaa lagu soo gabagabeeyay: "Isagoona Madaxwaynaha xusay in uu rajeenayo in Kuraasta taalla Galkacyo lagu soo gaba-gabeen donno labadaas isbuuc sida ay gudigaba xuseen".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM

Midowga Africa oo Shir degdeg ah ka yeeshay go'aanka uu Mareykanku ku jaranayo dhaqaalaha howlgalka Soomaaliya

Mareykanka ayaa sheegay inuu tan iyo sannadkii 2007 ku bixiyay ku dhowaad $2 bilyan taageerada AMISOM iyo ATMIS.

  • Soomaliya

    03-07-2026

  • 04:25PM