Qoorqoor oo lagu eedeeyay in uu Baydhabo u tagay "dulaalnimo"

Image
Fiqi ayaa sheegay in aysan jirin guul siyaasadeed oo laga filayo Qoor Qoor iyo wafdiga la socda.

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo xildhibaano la socda ayaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay u tagay “dallaalnimo siyaasadeed” sida uu shaaca ka qaaday wasiirkii hore amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi.

Fiqi oo wariyaasha kula hadlay Muqdisho ayaa socdaalka Qoor Qoor ku sifeeyay "Political Forex dallaalnimo ah si kursiga Fahad Yaasiin loogu dhex qariyo kuraasta koonfur Galbeed” ayuu yiri Fiqi oo hadalkiisa ku daray “Ilaahow khilaaf siyaasadeed na tusi aan ka macaashnee aa la dhahaa kooxda Qoor Qoor".

Axmed Macalin Fiqi oo soo noqday xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka iyo Taliyaha NISA, ayaa wax laga xishoodo ugu yeeray socdaalka Qoor Qoor “ Xili Galmudug ay ku jirto xaalad halis ah, Al Shabaab ku hareeraysanyihiin Caasimadda Galmudug”.

Madaxweynaha Galmudug ayuu ku eedeeyay in uu ku jiro hub aruursi ku doonayo in uu dhiig ku daadiyo xilli Soon ah, maadaama ay banaanka Dhuusamareeb ku suganyihiin ciidamo ka mar qaata Sheekh Shaakir hoggaamiyaha Ururk Ahlusunna.

Senataro iyo Xidhibaano laga soo doortay Galmudug oo Qoor Qoor safarka ku wehliya ayuu kula taliyay in ay wax ka qabtaan “dadka iyo deegaanka u baahan” badalkii ay “Saloola lahaayeen shaqo aan loo dirsan”.

“Baydhabo wax inka yaalla oo tiro badan majiraan cid idin xilsaaratay waan waanta majirto” ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi.

Arinta Baydhabo

Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in ay jirto tabasho ay qabaan maamulka Koofur Galbeed balse taas ay xalkeeda u taallo guddiga doorashooyinka Heer Faderaal iyo maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

“Majirto xurfug reer Baydhabo iyo Hawiye ka dhexaysa, madaxweynahooda si xun ayuu u cabiray dareenkiisa runtii waxaad moodaa in Qoor Qoor iyo wafdigiisa ay ka marqaati ka cayaan waxa madaxweynahu sheegaayay” ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi.

Fiqi ayaa sheegay in hadii la xalinayo khilaafka ka dhashay kuraasta laga soo doortay Koofur Galbeed ay tahay in la aado “waan waan ay Soomaali u dhantahay” si loo xaliyo tabashada jirta.

“Laakiin in halkaan Fahad Yaasiin niman shaqaale u ah in ay abaabulaan socdaalkaas ay yiraahdaan Fahad Yaasiin waa in lagu dhex qariyo kuraasta Koofur Galbeed waa ayaan daro” ayuu yiri.

Fiqi ayaa sheegay in aysan jirin guul siyaasadeed oo laga filayo Qoor Qoor iyo wafdiga la socda.

“Qoor Qoor ayaa raalli galin u dirsaday” ayuu iswaydiiyay siga oo sheegay in wafdigaas ay macaash ka raadinayaan magaaladda Baydhabo iyo khilaafka jira oo uu sheegay in uu ku egyahay guddiga doorashada iyo maamaulka Koofur Galbeed.

Hadalka Fiqi ayaa yimid ka dib markii Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor uu galinkii dambe ee shalay gaaray magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka halkaas oo uu kula kulmay dhigiisa Koofur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.

Qoor Qoor ayaa munaasabadii lagu soo dhaweeyay ka sheegay in u jeedka safarkooda uu yahay in ay xaliyaan tabashada ay Koonfur Galbeed ka qabto doorashooyinka, gaar ahaan khilaafka Laftagareen iyo Rooble ee salka ku haya kuraasta la go’aamiyey in dib loogu laabto doorashadooda.

Qoor Qoor ayaa sheegay in uu reer Koonfur Galbeed ka raali geliyey wax kasta oo ay u arkeen in looga gardaran yahay, isagoo u balan qaaday in ka wafdi ahaan ay wax kasta oo tabasho ah diyaar u yihiin in ay xal kama dambeys ah ka keenaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo ku heshiiyay is-dhaafsiga maxaabiista

Golaha Wasiirada ayaa Khamiista maanta ah meelmariyay heshiiskan oo ka kooban afar qeybood.

  • Soomaliya

    02-05-2024

  • 09:14AM

Haweeney caan ka ah baraha bulshada oo shil gaaray ugu geeriyootay dalka Kenya

Dad badan ayaa baraha bulshada uga falceliyay geerada naxdinta leh.

  • Soomaliya

    01-05-2024

  • 12:08PM