Qoorqoor oo lagu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hogaamiyaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor], ayaa Talaadada maanta ah waxaa lagu soo dhaweeyay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Soo dhaweynta Qoorqoor ayaa waxaa ka qeybgalay mas'uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, maamulka gobolka Banaadir iyo dadweyne lasoo abaabulay.

Socdaalka Qoor-qoor ayaa kusoo hagaagaya xilli lagu waddo in uu dhowaan Muqdisho ka bilowdo shir u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulada oo xal loogu goobayo khilaafka doorashada.

"Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo maalmihii lasoo dhaafay safar shaqo ku joogay wadanka Turkiga ayaa goordhaw soo gaaray magaalada Muqdisho," ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta Facebook ee Madaxtooyadda Galmudug.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey xubno ka tirsan goleyaasha Dowladda Maamulka Gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah Odayaasha iyo waxgaradka ku dhaqan Magaalada Muqdisho".

Qoor-qoor ayaa la filayaa in uu maalmaha soo aadan uu la kulmo qaar kamid ah siyaasiyiin ay musharaxiinta kamid yihiin iyo wakiilada Beesha Caalamka kahor wadahadalka isha lagu hayo.

Madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sabab u ah dib-u-dhaca furitaanka shirka isaga oo maamulada raacsan ku boorinaya in ay qaadacaan kulanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM