Qoorqoor oo lagu tilmaamay "nin aan xishood lahayn"

Image
Dhaleeceyntan ayaa waxay ka dhalatay qaabka uu u maamulay tartanka kursiga #HOP147.

MUQDISHO, Soomaaliya – Cabdinaasir Geelle Cilmi, oo ku dhawaaqay in uu iska casilay xilka wasirka qorshaynta Galmudug, ayaa warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, isagoo faahfaahin ka bixiyey sababta keentay inuu iska casilo xilkaas.

Cabdinaasir oo soo noqday gudoomiyaha guddiga doorashada Galmudug ayaa eedayn u jeediyay hoggaamiyaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Qoor Qoor.

Siyaasiga ayaa sheegay in is-casilaadiisu ay salka ku heyso kursiga golaha shacabka ee beeshiisa ee Hop#147 oo Madaxweyne Qoor Qoor u xiray xildhibaan Mahad Salaad.

"Madaxweyne Qoor Qoor waan la fariistay oo waxaan ku iri madaxweyne tolkeyga ka daa sida aad ula dhaqmeyso, sida aad u maamuleyso kursiga Hop#147 ayeysan dhibaato ka dhex abuurin beesha aan ku metelo Galmudug, sidoo kale dadkeyga dowladnimada ha nacsiin ee u madax baney masiirkooda," ayuu yiri Wasiir Cabdinaasir Geelle.

Geelle ayaa intaas ku sii daray in Qoor Qoor uu ugu jawaabay inuu bixiyey kursigaas “Kursigaas nin ayaan siiyey, waana ku soo bixi doonaa ninkaas ayuu igu yiri Qoor Qoor.”

Cabdinaasir Geelle Cilmi, oo Axmed Qoor qoor ku tilmaanay “nin aan xishood lahayn” ayaa sheegay inuu go’aansaday inuu ka tanaasulo tartanka kursigaas, sidoo kalena uu iska casilo xilkii wasiirka qorsheynta Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayuu ku sheegay nin aan rajo dambe ka leheyn wanaaga dowladnimada Galmudug, isagoo sheegay in aysan jirin cid uu heshiis la yahay ama uu talo ka qaadanayo, isagoo ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta hoggaan xumo uu sheegay in ay ka jirto Galmudug.

Kursiga uu ka dhashay khilaafka Qoor Qoor iyo wasiirkiisii qorsheynta Cabdinaasir Geelle ee Hop#147 ayaa waxaa ku soo baxay Xildhibaan Mahad Salaad oo horay ugu fadhiyey, waxaana laga hor istaagay musharaxiin badan in ay u tartamaan, xubnahaas waxaa ka mid ah Cali Yare Cali oo ka mid ah xubnaha Farmaajo u guulwadeeya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM