Qorshaha dayn cafinta Soomaaliya oo ku dhow in uu burburo

Image
IMF ayaa sheegtay in Soomaaliya ay filaysay 170 milyan oo doolar oo lagu taageerayo miisaaniyadda sannadkii hore

MUQDISHO, Soomaaliya – Barnaamij muhiim ah oo ay IMF taageerto oo lagu maalgeliyo mushaaraadka ciidamada iyo adeegyada kale ee muhiimka ah ee Soomaaliya ayaa la joojinayaa bisha May haddii dib u dhac kale uu ku yimaada doorashada sida uu sheegay madaxa hay’adda lacagta adduunka ee IMF ee Soomaaliya.

Soomaaliya oo dagaallo sokeeye ka socdeen tan iyo 1991-kii, ayaa  2017-kii ku guulaysatay in ay bixiso mushaaraadka shaqaalaha iyo ciidanka iyada oo u mahadcelinaysa IMF-ta maadaama ay qayb ka qaadanayso in si tartiib tartiib ah loo dhiso hay’adaha dowladda iyo nidaamka maaliyada dalka oo guuldaraystay in uu sameeyo xisaab xir sax sadexdii sano ee ugu dambaysay.

Barnaamijka miisaaniyada saddexda sano ah ee hadda socda, oo ku kacaya ku dhawaad 400 oo milyan oo dollar, ayaa sidoo kale qayb ka ah heshiiska lagu dhimayo deymaha Soomaaliya lagu leeyahay oo ka badan 5 bilyan oo doolar.

Laakin barnaamijku si toos ah ayuu u dhamaanayaa haddii aysan jirin dowlad cusub oo lagu soo gabagabeynayo ilaa 17ka May, sida uu sheegay Laura Jaramillo, oo ah madaxa IMF ee Soomaaliya oo la hadlay wakaalada wararka ee Reuters.

"Waxay saameyn ku yeelan doontaa shaqada dowladda waxayna yeelan kartaa saameyn ballaaran," ayay tiri, iyada oo tixraacaysa khatarta ah in doorashooyinka dib u dhacu ku yimid ay ku dhamaan waayaan wakhtiga lagu heshiiyay in dib loo cusboonaysiiyo heshiiska.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Beileh, ayaa ku gacan seyray walaacaas ay gabto hay’ada lacagta aduunka.

"Waxaan ku kalsoonahay in doorashada lagu soo gabagabeyn doono waqtigeeda si aysan saameyn ugu yeelan barnaamijka dib u habeynta," ayuu yiri. "Ma jiraan caqabado waaweyn oo ku aaddan buuxinta shuruudaha IMF ilaa hadda, mana filaynno."

Doorashada ayaa la qorsheeyay sanad ka hor balse dib u dhac ayaa ku yimid markii madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Maxamed uu isku dayay inuu labo sano ku kordhiyo mudada afarta sano ah, taasi oo uu Baarlamaanka ka hor yimid.

Doorashada xildhibaanada - oo dooran doona madaxweynaha - waxay bilaabatay 1-da Noofambar. Waxay ahayd in ay dhammaato 24-ka Decembar, laakiin hadda waxaa laga yaabaa in ay dib uga dhacdo Febraayo 25.

Dib u dhacan oo ay uga sii dartay khilaaf bilihii lasoo dhaafay u dhaxeeyay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa durba saameyn ku yeeshay dhaqaalaha.

IMF ayaa sheegtay in Soomaaliya ay filaysay 170 milyan oo doolar oo lagu taageerayo miisaaniyadda sannadkii hore balse kaliya ay heshay $38 milyan. "Taasi waa marka aan bilaabi doono inaan aragno cadaadiska oo sii kordhaya," madaxa IMF ee Soomaaliya ayaa sidaas sheegtay.

Hadii uu dhaco barnaamijka IMF waxaa sidoo kale la hakin doonta safarka Soomaaliya ee deyn cafinta. Sida ku cad heshiiska 2020 ee ay ansixiyeen Bangiga Adduunka iyo IMF, deynta Soomaaliya waxaa laga dhigay $3.7 bilyan oo u dhiganta 63% GDP, halka ay ka ahayd $5.2 bilyan ama 89% GDP.

Haddii la dhammeeyo sanadka soo socda, deyntu waa in ay hoos ugu dhacdo $557 milyan ama 6% wax soo saarka guud ee gudaha. “Waa deyn cafis cajiib ah, Soomaaliyana waxay ku dhowdahay in ay gaarto hadafkaas,” ayay tiri Jaramillo.

Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa la filayay in uu kordho 2% sanadkii hore, IMF ayaa sidaasi tiri, taas oo ay ugu wacantahay isticmaalka qoyska ee xawaaladaha oo kordhay iyo wadamo cusub oo loo dhoofiyo badeecadaha.

IMF ayaa sidoo kale odorostay 3.2% uu kurdho dhaqaalaha Soomaaliya sanadkan haddii caqabadaha siyaasadeed la xaliyo.

Marka laga reebo taageerada miisaaniyada, barnaamijka IMF waxa uu sidoo kale u ogolaanayaa la-hawlgalayaasha kale ee horumarinta in ay dhaqaale u fidiyaan Soomaaliya.

Barnaamijka deyn cafinta ayaa u suurtageliyay dowladda in ay waddo qorshe lacag caddaan ah loogu wareejinayo qoysaska nugul ee la dagaallamaya abaaraha, COVID-19 iyo amni-darrada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM