Qorshaha soo celinta askarta loo qaadey Eritrea oo dib u bilowdey

Image
Bishii September ee sanadkii lasoo dhaafay ayaa lagu wadday in ay soo gurya noqdaan.

WASHINGTON, USA - Dowlada Soomaaliya ayaa cusbooneysiisay dedaalada soo celinta 5-ta kun askari ee lagu tababaray Eritrea, sida ay muujiyeen warar laga helayo illo wareedyo dhanka sirdoonka ah.

Warbixinta oo lagu soo xigtey saddex sarkaal kala duwan kuwaasoo magacyadooda ka gaabsadey "cabsi shaqo ka joojin awadeed" ayaa xusaysa in askartaas lasoo celin karo 2-da ama 3-da asbuuc kadib.

Qorshaha ayaa ahaa in askartaas lasoo celiyo bishii September ee sanadkii lasoo dhaafay balse waxaa loo baajiyey "cadaadis diblumaasiyadeed," sida uu wariyey barnaamijka Galka Baarista ee VOA-da.

"Dib-u-dhacyo kale waa suurtagal," ayay warbixintu raacisay. Garowe Online wuxuu fahansan yahay in dib-u-dhigyadan ay ku imaanayaan go'aano ay isla qaadanayaan hogaamiyeyaasha labaddan waddan.

Tirada saxda ah ee ciidamada Soomaaliya loogu tababaray waa 5,167. Warbaahinta qaar waxay warinaysaa cadad intaas ka badan. Askarta waxaa Muqdisho laga qaadey August, 2019 iyo June, 2020.

Tababarkan ayaa ku yimid "heshiis qarsoodi ah" oo dhexmaray madaxweynihii hore ee Soomaaliya balse wali xafiiska ku jooga "si sharci darro ah" Farmaajo iyo hogaamiyaha Eritrea, Isaias Afwerki.

Saxaafadda ayaa tabisay in ciidamadda Soomaaliya ee lagu tababaray Eritrea ay ka qeybgaleen dagaalka Tigray, balse dowladda Soomaaliya waxay si weyn ugu gacan-seyrtay sheegashooyinkaas.

Qaramada Midoobay, hay'addo madax-banaan iyo hogaamiyeyaasha Tigray ayaan bixin caddeyn muuqata oo ku saabsan in ciidamadda Soomaaliya ay ka dagaalameen gobolkan ku yaala waqoyga Itoobiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM