Qorshaha xukuumada soo aadan ee Soomaaliya oo la shaaciyey

Image
Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo maanta helay kalsoonida Golaha Shacabka ayaa soo bandhigay qodobadan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa maanta hortagay golaha Shacabka si uu u weydiisto codka kalsoonida kadib markii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda magacaabay 15-kii bishan.

Xamse ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud masuuliyadda culus ee uu ku aaminay, si uu uga qeyb qaato dadaallada lagu samatabixinayo dalka.

Barlamaanka ayuu ka hor akhriyey khudbad kooban oo ka hadlaysa waxyaalaha u qorshaysan xukuumaddda uu soo dhisi doonno, sida; Amniga, Garsoorka iyo Caddaaladda, Abaaraha, Dib-u-heshiisiinta, Wadahadallada Somaliland, Dimoqraadiyadaynta iyo arrimaha doorashooyinka, Dhaqaalaha, Maamul wanaagga iyo isla xisaabtanka, qabyo-tirka iyo dhameystirka dastuurka KMG, Adeegyada bulshada iyo siyaasadda arrimaha dibedda oo ku dhisan danta dalka.

Wasiirka koowaad ayaa sheegay inuu ahmiyada kowaad siinayo arrimaha nabad galyada, iyo in dalka Soomaaliya uu gaaro isku filaansho dhanka amniga ah, taas oo loo marayo dhisida ciidan qaran oo tayo leh.

"Waxaan noloshayda, dhinac aqoon, waxbarasho iyo mid khibradeedba ku soo kasbaday xirfado kala duwan oo aan intooda badan ugu adeegay bulshadeena Soomaaliyeed, waxaan ahaa macalin wax ka soo dhigay jaamacadaha dalka, ka soo shaqeeyay xafiisyada dawladda- heer federal iyo mid goboleedba, kana soo qayb qaatay geeddi socodka dib-u-dhiska dalka, waxaana sanadihii la soo dhaafay si dhaw ula socday xaaladda dalkeennu ku jiray, waxaan wax badan ka fahamsanahay baahiyaha dadkeenna iyo caqabadaha ina horyaalla, taasoo haddii Allaha wayni ogolaado ii sahli doonta in aan qayb ka noqdo xalka aynu u raadinayno cagabadahaas," ayuu yiri.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa xusay in uu soo dhisi doono xukuumad tayo leh, laguna soo xulay aqoon, karti, hufnaan khibrad iyo waayo aragnimo ka tarjumaysa baahiyaha kala duwan, dalkana u horseeda xasilooni siyaasadeed oo loo dhan yahay, iyadoo laga duulayo halku-dhigga Madaxweynaha ee Soomaali heshiis ah dunidana heshiis la ah.

Kulanka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo soo xaadireen 220 Xildhibaan ayaa waxaa codka kalsoonida siiyey dhammaan xubnaha soo xaadiray kulanka, iyadoo isla goobta lagu dhaariyey Ra'iisul Wasaaraha cusub JFS Mudane Xamse Cabdi Barre.

Ugu dambeyn, Ra'iisul Wasaaraha ayaa wuxuu uga mahadceliyey xubnaha golaha shacabka codka kalsoonida ee ay siiyeen , isagoona carabka ku dhuftey in uu balan qaadayo inay wada shaqayn buuxda dhex mari doonto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM