Qorshe uu Farmaajo "ugu qiil-dayi doono" afgembi oo la kashifay

Image
Kooxda madaxweynaha waqtiga ka dhacay ayaa lagu eedeeyay in ay shirqool u maleegayso siyaasiyiin mucaarad ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtigu dhacay Farmaajo ayaa ku fekeraya isku day afgembi markii saddexaad 14-ka bisha dambe ee April, sidda uu shaaca ka dhigay Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad.

12-ka Apriil waa xuska Maalinta Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya. Sida uu sheegay xildhibaanka, Farmaajo wuxuu "marmarsiyo" ka dhigan doonaa "shirqoolo ay kooxdiisa waqti xaadirkan ka maleegayso waddanka".

"Weeraradii 23-kii Maarso, hubka lagu aruurinayo xayndaabka garoonka Aadan Cadde iyo qaraxyada saacad walba la leeyahay garoonka ayaa la soo geliyay ujeedada laga leeyahay waa in lagu baqdin geliyo diplomaasiyiinta shisheeye ee Xalane ku sugan, si dalka ay isaga cararaan," ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA OO DHAMEYSTIRAN

Shirqoolo loo maleegay dad siyaasiin ah iyo AFGANBI 3aad oo u qorsheysan Farmaajo

1) 23-kii bishaan Maarso weeraradii iyo qaraxyadii ka dhacay Afisyoone iyo Beledweyne waxaa fududeeyay dad la yaqaano ilaa hadana wax tilaabo ah lagama qaadin, sababtoo ah waxay dowlada ku dhex heystaan xilal, xoog iyo xasaanad. Waana sababta xalay RW Rooble ugu dul ilmeeyay minbarkii uu taagnaa ee loogu tacsiyeynayay Xildhibaan Amina AUN.

2) Shalay waxaa lagu kala cararay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kadib markii la sheegay in gudaha garoonka la soo geliyay qaraxyo iyo maleeshiyaad hubeysan oo weeraro ka fulin raba garoonka iyo gudaha Xalane. Danta laga leeyahay xaga hoose ayaan ku xusi doonaa.

3) Waxaa socda qorsheyaal lagu beegsanayo RW Rooble, MW Cali Guudlaawe (oo lagu soo daray liiska dadka cadowga ku ah Villa Soomaaliya doorashadii Beledweyne ka dib), qaar ka mid ah xildhibaanada cusub ee la soo doortay, Musharaxiin iyo Siyaasiin iyadoo la adeegsanayo gacmo kale oo loogu adeegayo agabka iyo shirciyada hawlwadeenada dowlada sidii maalmo kahor ka dhacday Afisyoone iyo Beledweyne. Ujeedada laga leeyahay iyadana qaybaha dambe ee qoraalkan ayaan ku sheegi doonaa.

4) Waxa jira nin siyaasi ah oo maamul goboleedyada mid ka mid ah ka soo jeeda oo la dejiyay hotel ku yaala xayndaabka garoonka Aadan Cadde. Waxaana agtiisa lagu diyaarinayaa hub aad u fara badan oo la leeyahay amniga mas’uulkaan ayaa lagu ilaalinayaa lkn ujeedadu sidaas maahan ee hubka howlgal kale ayaa loo isticmaali doonaa, ciidanka hubkaas ku howlgeli doona iyagoo dharcad ah ayaa gudaha la soo gelin rabaa maalmaha soo socda.

5) Asbuucyadii la soo dhaafay Farmaajo wuxuu ciidamada qalabka sida ka dhex waday isbedelo. Wuxuu shaqada ka fariisiyay dhamaan saraakiishii qeybta ka ahaa howlgaladii dalka lagu badbaadiyay ee Badbaado Qaran. Wuxuuna ku badalay saraakiil daacad u ah oo dhalinyaro u badan. Saraakiishii iyo ciidamadii diiday isbedeladaas waxa laga gooyay mashaarkii iyo garaamkii ciidanka.

Ulajeedka Farmaajo iyo qorsheyaasha uu maagan-yahay

1) Weeraradii 23-kii Maarso, hubka lagu aruurinayo xayndaabka garoonka Aadan Cadde iyo qaraxyada saacad walba la leeyahay garoonka ayaa la soo geliyay ujeedada laga leeyahay waa in lagu baqdin geliyo diplomaasiyiinta shisheeye ee Xalane ku sugan, si dalka ay isaga cararaan.

4) Shirqoolada ka dhanka ah Rooble, Guudlaawe, Musharaxiinta iyo Xildhibaanada ujeeddada laga leeyahay waa in dalka la geliyo qalqal amni oo suurtogal ka dhigi kara baaqashada dhaarinta Xildhibaanada ee muddeysan 14-ka Apriil iyo in gebi ahaanba la baajiyo doorashada oo dhan.

3) Labadaan qorshe marka ay dhacaan Farmaajo waxaa u qorsheysan iskuday AFGANBI 3aad oo uu ku dhawaaqi doono 12-ka Apriil oo ah Xuska Maalinta Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya isagoo marmarsiiyo ka dhiganaya shirqoolada uu maleegayo iyo amni darada baahsan ee sida ulakaca ah isagu u abuuray in aysan doorasho ku qabsoomi karin


Garowe Online ayaan si madax-banaan u xaqiijin karin sheegashada sharci-dejiyaha. Madaxtooyadda Soomaaliya ayaan wali ka jawaabin eedeyntan. Isku-dayo xiriir oo warbaahinta xorta ah sameysay ayaysan ka jawaabin.

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM