Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo booqanaya Laascaanood, SSC-Khaatumo

Image

Muqdisho, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa lagu soo warramayaa inuu booqasho ku tagayo magaalada Laascaanood dhawaan si uu u xoojiyo xiriirka SSC-Khaatumo.

Booqashadan oo imaanaysa xili xiriirka Villa Somalia iyo Puntland uu aad u xun yahay, ayaa Xamza inta uu ku guda jiro kulamo uu la qaadan doona hoggaamiyeyaasha maxalliga ah, bulshada, isagoo daahfuri-doono mashaariic horumarineed oo cusub.

Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ee Laascaanood, ayaa loo arkaa inay tahay mid lagu xoojinayo darajada SSC-Khaatumo, taasoo weli dowladda federaalka ay u aragto in ay tahay maamul ku meelgaar ah.

Madaxweynaha iyo madaxda SSC-Khaatumo ayaa booqashadan ka rajeynaya inay ka caawiso inay helaan taageero dheeri ah oo ka timaadda dowladda federaalka, iyagoo sidoo kale xoojinaya is-dhexgalka iyo wada-shaqeynta ka dhaxaysa maamulka SSC-Khaatumo iyo dowladda dhexe.

Booqashadan ayaa noqon doonta mid muhiim ah oo kor u qaadi karta heerka siyaasadeed iyo dhaqaalaha ee gobolka, iyadoo ay xusid mudan tahay in mashaariicda horumarinta ee la hirgelin doono ay saameyn togan ku yeelan doonaan bulshada deegaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM