Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Shir Degdeg ah isagu yeeray Gollaha Wasiirrada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Hamza Cabdi Barre, ayaa qorsheynaya in Axadda soo socota uu qabto shir degdeg ah oo Golaha Wasiirrada ah, kaasoo diiradda lagu saari doono arrimaha ammaanka iyo xasiloonida dalka.

Shirkan ayaa imanaya iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in la filaayo magacaabo cusub oo lagu sameeyo hay’adaha ammaanka, taasoo qeyb ka ah dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo awoodda iyo hufnaanta hay’adahaas.

Tallaabadan ayaa u muuqata jawaab ka timid xaaladda siyaasadeed ee Muqdisho oo ah mid sii xoojinaysa mucaaradka iyo kororka dhaq-dhaqaaqooda, iyadoo doorashooyinka 2026 ay soo dhow yihiin.

Waxaa muuqata in dowladda ay dadaal ugu jirto sidii ay u xakameyn lahayd cadaadiska siyaasadeed iyo kororka khilaafaadka si loo ilaaliyo amniga iyo xasiloonida dalka.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu shirkan ku tilmaamay mid muhiim ah oo lagaga doodi doono sidii loo wajihi lahaa caqabadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee jira, isagoo carrabka ku adkeeyay in dowladdu ka go’an tahay in la gaaro nabad iyo dowlad wanaag.

Hamza ayaa ku mashquulay isku-shaandheyn xili dalka uu galay xaalad amni iyo mid siyaasadeed oo deg deg ah, islamarkaana waqtiga xukuumadiisa u haray uu ka yaryahay sanad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM