Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Dhagax Dhigay Dib-u-dhiska Tuulada Cayaaraha

Image
Ra’isul Wasaaraha, ayaa xusay in dib-u-dhiska Tuulada Cayaaraha ay qeyb weyn ka qaadan doonto horumarka dalka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo dhagax dhigay mashruuca dib-u-dhiska Tuulada Cayaaraha ee Stadium Muqdisho, ayaa sheegay in dhismaha mashruucan uu qeyb ka yahay dadaallada Xukuumadda DanQaran ee horumarinta isboortiga iyo dhallinyarada Soomaaliyeed. 

Qeybaha dib-u-dhiska lagu sameynayo ee maanta la dhagax-dhigay oo ka kooban, dayactirka garoonka kubadda cagta, iyo dib-u-dhiska qqeybaha koleyga, dabaasha, orodka iyo qeybo kale, ayaa waxaa maalgashanaya shirkad ay leeyihiin dhallinyaro Soomaaliyeed. 

Ra’isul Wasaaraha, ayaa xusay in dib-u-dhiska Tuulada Cayaaraha ay qeyb weyn ka qaadan doonto horumarka dalka iyo bilicda caasimadda, isla markaana ay xoojinayso shaqo abuurka dhallinyarada, dhaqaalaha iyo dalxiiska, isaga oo uga mahadceliyey Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha dadaalkeeda la xiriira horumarinta isboortiga dalka. 

Tartankii Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee sanadkan ka dhacay garoonka,  ayaa muujiyay xiisaha bulshada u qabaan isboortiga, taas oo dowladda ku dhiirigelisay in la dhammeystiro qeybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay garoonka, si loo soo celiyo qeybihii kale ee ka maqnaa tartanka, tani oo fursad siinaysa dhallinyarada leh xirfadaha kala duwan ee cayaaraha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baydhabo oo gashay hubanti la'aan ka dib markii taliyeyaal sare lagu dilay duleedka magaalada

Arrimahan hubeysan ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku sii duubayo khilaafka ka dhashay doorashadii Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 01:16PM

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM