Rag hubeysan oo lagu toogtey duleedka Muqdisho [Fahfaahin]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Laamaha amaanka ayaa xaafadda Macaani ee duleedka Muqdisho ku toogtey labo ruux oo hubeysanaa, halka ay dhaawaceen mid kale, sida ay xaqiijiyeen Goobjoogayaal la hadlay warsidaha Garowe Online.

Toogashadda rag hubeysan ayaa ka dambeysay markii ay isku dayeen inay la baxsadaan Alaab ay ka dhaceen dad rayid ah, taasi oo dhalisay in ciidanka dowladda oo halkaasi ka ak dhowaa ay Rasaas ooda uga qaadaan Moojo Bajaaj ay wateen.

Goobjooge magaciisa kusoo koobay Calinuur ayaa u sheegay GO in ruuxa dhaawaca uu soo gaarey xaaladiisu tahay mid halis ah, islamarkaana loosoo qaadey goobaha caafimaadka ee bartamaha magaalada ku yaala.

"Tuugo hubeysan oo Mooto Bajaaj wadatey oo dad soo dhacdey ayaa iyaga oo isku deyaya inay baxsadaan waxaa Rasaas ku furey Askarta dowlada. Saddex ayey ahaayeen labo isla goobta ayey ku dhimatey, mid kalena wuu dhaawacmey," ayuu yiri Goobjoogaha.

Ma jiro war rasmi ah oo ay laamaha amaanka kasoo saareen falka lagu khaarijiyay Raggaan hubeysan, balse, maalmihii udambeeyay caasimadda waxaa kusoo kordhayey falalka dhaca ah oo aanan looga baran.

Falalka amniga khal-khalka gelinaya nabad-gelyadda ee Muqdisho kusoo kordhay waxaa qayb ka ah Afduub aan kala sooc lahayn oo ay geysanayaan Burcad hubeysan, kuwaasi oo aanan la ogayn ujeedka ay leeyihiin.

Taliska ciidanka Booliska iyo maamulka gobolka Banaadir oo arrintani horey digniino uga soo saarey ayaa sheegay inay gacan bir ah ku qaban doonan cid kasta oo ku lug-yeelata falalka noocaan ah.

Dhacdooyinkaan ayaa qayb ka ah amniga magaalo madaxda dalka Soomaaliya oo maalmihii udambeeyay faraha kasii baxayey, taasi oo Xilldhibaanada Gollaha Shacabka oo dood kulul ka yeeshay ay ugu baaqaan xukuumadda in qorshe cad oo ay wax uga qabaneyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM