​Rag loo haysto dilka Guddoomiyihii Galgaduud oo la qabtay

Image

MUQDISHU, Somalia- Ciidamada ammaanka dowladda federaalka Somalia, ayaa howlgallo ay ka sameeyeen magaalada Muqdishu, waxay kusoo qabteen rag lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen dilkii 4 Augost, 2017 loo gaystay Guddomiyihii gobolka Galgaduud Maxamed Shiikh Cali Cilmi iyo walaalkiis Eng. Xasan Shiikh Cilmi.

Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Axmed Xasan, ayaa warbaahinta gudaha u sheegay inay laamaha amniga ay u suurto gashay inay qabtaan raggaas.

“Ciidamada amniga waxaa u suurta gashay inay gacanta ku soo dhigaan raggii ka dambeeyay dilka Guddoomiyihii Galgaduud iyo walaalkiis, waxaa ku socda baaritaan, ragga la qabtay waxaa rumeysan yahay inay ahaayeen kuwii ka dambeeyay falkaas,” Ayuu yiri Guddoomiyaha Yaaqshiid.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu tilmaamay in ay jiraa shakhsiyaad kale oo lala xiriiranayo kooxda Al Shabaab kuwasoo lagusoo qabtay howlgalkaas mid lamid ah.

Axmed Xasan ayaa xusay in dadkaas lagu wareejiyay hay'adaha amniga si loogu sameeyo baaritaan dheeraad ah.

Guddoomiyuhu ma uusan bixin tafaasiil dheeraad ah oo la xariirta arrintaas, balse wuxuu sheegay in wixii faah faahin ay soo sheegi doonaan baaritaan kadib.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM