Rag Muqdisho ka fuliyey weeraro galaaftay 60 ruux oo la toogtay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Laba xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab kuwaasi oo ka qayb qaatay weeraro dhowr ah oo shacab iyo shaqsiyaad caan ah lagu laayey ayaa maanta oo Isniin ah waxaa lagu fuliyey xukun dil toogasho ah.

Canshuur Cusmaan Abuukar iyo Maxamed Aadan Boorow oo "qirtey" dhamaan fal dambiyeedda lagu soo eedeeyay ayaa gacanta hay’addaha ammaanka soo galay bishii November ee sanadkii hore 2018.

Weerarada lagu soo oogay dacwadooda ayaa waxaa kamid ah kuwa lagu ekeeyay huteeladda Saxafi, Naasa Hablood 2, xarumaha degmooyinka Hodan, Howlwadaag, Tiyaarta Qaranka iyo Daljirka Daahsoon.

Abuukar oo 23-sano jir ah kaasi oo kasoo jeeda degaanadda HirShabelle ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu hogaaminayey falal khaarijin ah.

Boorow, 25-jir ah kasoo jeeda gobolada Koonfur Galbeed, ayaa la sheegay in uu ahaa sahmiyaha weeraro dhowr ah oo magaala madaxda laga soo wariyay.

Mid kamid ah hagar-daamooyinka ay maleegeen raggan ayaa waxaa ku baxay muwaadiniin ay kamid yihiin suxufi Cawil Daahir Salaad iyo xoghayaha guud ee Ururka Haweenka Qaranka, Canab Cabdi Xaashi.

Canshuur ayaa la tilmaamay in uu ahaa isku dabaridihii weerar naxariis-darro ah oo lagu beegsaday gaari ay la socdeen dad isku qoys ah oo lagu rasaaseeyay agagaarka isgoyska Tarbuunka ee degmadda Hodan.

Wareysi uu siiyey warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayuu daaha uga rogay in falkan uu uga dhacay "qaab qalad ah" maadaama lasoo siiyay "amar qaldan" oo ahaa in ay rasaaseeyan gaari walba oo Miyaaradihiisa madow yihiin.

Wadar ahaan dadka ay galaafteen labadaan "gacan ku dhiigle" ayaa ah ku dhowaad 60 ruux, kuwaasi oo badankooda ah rayid aanan waxba qalabsan.

Weerarada uu Canshuur uu qirtay in uu qayb ka ahaa

15-kii August 2018

Saddex qof ayaa ku dhimatay, tirro kalena aa ay ku dhaawacmeen ka gedaal markii gaari ay la socdeen dad isku qoys ah oo ay caruur ku jiraan kuna sii jeeday xeebta Liido lagu rasaaseeyay isgoyska Digfeer, degmada Hodan ee Muqdisho.

27-dii September 2018

Laba ruux ayaa ku naf-waysay markii gaari ay la socdeen lagu rasaaseeyay isgoyska via Roma ee degmada Xamar-wayne.

9-kii November 2018

Weerar loo adeegsaday qarax gaari iyo mid toos ah oo lagu ekeeyay huteel Saxafi kaasi oo lagu dilay 32 ruux kuna dhaawacmeen 69 kale ayuu ka ahaa sahmiye, sidda uu ka hor-cadeeyay garsoorka.

22-kii December 2018

Laba ruux ayaa ku dhimatay kadib markii gaari lagu soo rakibay walxo qarxa oo uu isagu ka degay uu ku qarxay Daljirka daahsoon. Marxuumiinta waxay ahaayeen labo macalin oo ka tirsanaa iskuulka Yaasiin Cusmaan.

Dhacdooyinka uu abaabulay Boorow

2-dii September 2018

Shaqsigan ayaa la sheegay in uu sahmiye ka ahaa qaraxii ka dhacay Degmada Howlwadaag, kaasi oo lagu khaarijiyey 10 ruux ayna ku dhaawacmeen 20 kale, sidda ay xaqiijisay Dowladda Soomaaliya.

22-kii November 2018

Sidda ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka, tobban ruux ayaa ku dhimatay in ka badan Isbitaal ayaa loo dhigay kadib markii weerar loo adeegsaday qarax gaari lagu weeraray Tiyaarka Qaranka.

Bishii hore ee July gaar ahaan 19-keeda ayay ahayd markii Maxkamadda Ciidamadda ay dil toogasho ku fulisay saddex xubnood oo lagu soo qabtay weerar kale oo ay ku qaadeen huteelka Naasa Hablood 2.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM