Ra'iisul Wasaaraha Ethiopia oo gaarey Muqdisho [Daawo]

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa saaka magaalada Muqdisho ku tagey booqasho aan horey loo shaacin, iyadoo amaanka caasimadda si aad ah loo adkeeyay tan iyo shalay.

Booqashada Abiy ee Caasimadda Soomaaliya, ayaa kusoo beegmaysa xilli maalin kahor uu Addis Ababa booqday Dhaxal Sugaha Abu Dhabi, ahna ku xigeenka Taliyaha Ciidamada qalabka sida ee dalka Imaaraadka Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan.

Madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed si weyn ugu soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde, waxaana loo galbiyay Villa Soomaaliya, oo kulamo kula leeyahay Madaxweyne Farmaajo iyo RW Khayre.

Abiy Axmed ayaa xiriir fiican la leh Imaaraadka, oo ugu deeqday dalkiisa 3 Bilyan oo Dollar oo lagu fulinayo mashaariic horumarineed, waxaana shalay uu ku qaabiley Addis Ababa Dhaxal Sugaha Abu Dhabi. [Halkan ka akhri Warka].

Dowladda Federaalka iyo Imaaraadka ayaa xiriirkooda xumaaday kadib markii mowqifka dhex-dhexaadnimo ee Xukuumadda khayre isku bedelay mid ay ku taageerto Qadar, oo xiriir dhaw la leh madaxda Villa Soomaaliya.

Booqashadiisa Muqdisho oo qaadan doonto hal maalin, ayaa Abiy Axmed laga yaabaa inuu dhexdhexaadin ka dhex billaabo Dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Eithiopia ayaa saameyn siyaasadeed iyo mid military ku leh dalka Soomaaliya, iyadoo ay ka joogaan Ciidamo badan, oo qaarkood ku howlgalaya magaca AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM