Ra'iisul Wasaare Khayre oo u ambabaxay Sacuudiga

Image

MUQDiSHO, Soomaaliya - Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta oo Talaado ah u ambabaxay dalka Sacuudiga, xilli xiriirka Riyadh iyo Muqdisho uusan wanaagsaneyn.

"Waxa aan booqasho rasmi ah ugu ambabaxay dalka aan walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudiga halkaas oo aan kulamo kula yeelan doono mas'uuliyiinta dalkaas," ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha.

Lama shaacin wali ujeedada socdaalka Khayre ee Sacuudiga, kaasoo kusoo beegmaya xilli meeshii ugu hooseysay geaarey tan iyo 2017 cilaaqaadka Soomaaliya iyo Boqoryooyadda Sacuudiga, markii Xukuumadda Khayre u weecatay dhanka Qadar.

Warar lagu kalsoon yahay ayaan GO u sheegey in RW Khayre in muddo ah ka war-sugayey dalab codsi booqasho uu ku tago dalka Sucuudiga. Wasiirka Warfaafinta dowlada Federaalka oo horey safiir uga ahaa dalkaas ayaa wararkaan xusyaan inuu dhowaan booqaasho ku tagey Riyadh dalabka codsiga booqashadaan u gudbiyey dowlada wadankaas.

” Dowlada Sucuudiga horey ayey shuruudo  ugu xirtey inuu hagaago xiriirka ay la leedahay dalka Soomaaliya, waxaana u maleynayaa Khayre shuruudahaas ayaa horyaala.” Sidaas waxaa Garowe Online u sheegey diplomaasi ka warqaba booqashadaan.

Isbahaysiga Sacuudiga uu hogaamiyo ayaa xiriirka u jaray Qadar June 5, 2017 kadib markii ay ku eedeeyeen inay taageero siiso kooxaha argagaxisada, inkastoo taasi Doha si adag u beenisay.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii tagey sheegtay inay dhex-dhexaad ka noqoneyso xisaadda u dhaxeysa dalalka Khaliijka carabta, balse mowqifkaasi isbedel ku yimid markii dambe, oo Villa Soomaaliya muujisay ficillo muujinaya inay u janjeerto Qadar.

Qadar ayaa ku leh Soomaaliya shaqsiyaad xiriir fiican kala dhaxeeya, oo saameyn siyaasadeed ku leh gudaha Dowladda Federaalka kauwasoo u fududeeya arrimaha ay dalka uga baahan tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM