​Ra'iisul Wasaare Khayre oo New York kula kulmay Sergey Lavrov

Image
Image
Image
Image

NEW YORK, USA - Ra'iisul Wasaaraha Somaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa magaalada New York, ee dalka Mareykanka kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Sergey Lavrov.

Khayre iyo Lavrov ayaa waxay kawada hadleen xiriirka soo jireenka ah ee u dhaxeeya Somaaliya iyo Ruushka, iyo arrimo kale oo ay kamid tahay sidii ay isaga kaashan lahaayeen la dagaalanka Argagaxisada.

Sergey Lavrov ayaa sheegay in Ruushka uu qorsheynayo in Somaaliya uu ka gacan siiyo dagaalka ay kula jirto xag-jirnimada iyo sidii ay u cirib-tiri lahayd Kooxaha Argagaxisada, ee xiriirka la leh Al Qaacida.

"Waxaad ku faraxsanahay inaan ku kulano Shirka Guud ee QM, islamarkaana aan kawada hadalno xoojinta xiriirka Ganacsiga, Siyaasadda iyo amniga ee Somaaliya iyo Ruushka," ayuu yiri Sergey Lavrov.

Sergey Lavrov ayaa intaasi ku daray in Ruushka uu soo dhaweynayo isbedellada ka socda Somaaliya, isagoo ugu baaqay beesha Caalamka inay kaalin buuxda ka qaateen dib usoo celinta nabada dalka.

Ra'iisul Wasaare Khayre iyo Sergey Lavrov ayaa isku arkay mudo kooban Shirka 72-aad ee QM, kaasi oo shalay ka furmay magaalada New York.

GAROWEONLINE

Related Articles

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM

Duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sucuudiga

Maamulka garoonka Maddiina ayaa sheegay in habraacyada gelitaanka xujeyda Soomaaliyeed loo fuliyay si hufan.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 11:20AM