Ra'iisul Wasaare Khayre oo u safray dalka Turkiga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa u safray saaka dalka Turkiga, kadib markii dowladda dalkaasi uu ka helay casuumaad rasmi ah.

Wasiiro, Xildhibaanno iyo Mas'uuliyiin kale oo katirsan labada Golle ee dowladda Soomaaliya, ayaa Khayre ku wehliya booqashadiisa Turkiga, taasi oo qaadan doonto mudo saddex maalin ah.

Mudane Khayre ayaa kulan la qaadan doono inta uu joogo Turkiga, dhigiisa wadankaasi Binali Yıldırım, oo kawada hadli doonaan xiriirka labada dalka iyo taageerada Turkiga ee Soomaaliya.

Safarka Khayre ayaa ah mid horey loo filayay, oo baaqday kadib markii uu dhacay qaraxii Zoobe 14-ka bishan, kaasi oo dadkii ku dhaawacmay qaar loo qaadey Isbitaallo ku yaala dalka Turkiga. Halkan ka akhri Warbixinta.

Dowladda Federaalka ayaa xiriir dhaw la leh Turkiga, oo caawiya dhinacyada dhaqaalaha iyoo ciidanka, iyadoo uu ka furtay dhawaan Muqdisho saldhigga ugu weyn ee caalamka ku yeesho.

Ankara ayaa la safatay Qadar, oo xiriirka u jareen Sacuudiga iyo xulufadiisa 5-tii bishii June, iyadoo dowaldda Federaalka dhex-dhexaad ka noqotay Khilaafka ka taagan dalalka Khaliijka carabta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamadda Ciidamada oo dooneysa in xasaanad laga qaado xildhibaano huriyay colaad

Dastuurka iyo xeerarka dalka ayaa dhigaya in xildhibaan aan maxkamad la horgeyn karin ilaa xasaanaddiisa laga qaado.

  • Soomaliya

    24-11-2025

  • 08:14PM

Maxkamad ku taalla Gaalkacyo oo xukun dil ah ku ridday haweeney lagu helay dilka Sabiriin 

Dhinaca kale, maydka Sabiriin, oo aan la aasin intii ay socotay dacwadda, ayaa lagu wadaa in galabta loo gudbiyo qoyskeeda si loogu aaso.

  • Soomaliya

    24-11-2025

  • 01:25PM