Muxuu yahay Ujeedka safarka Khayre ee Turkiga?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa la filayaa in maanta oo Arbaco ah (25-ka October) u ambabaxo dalka Turkiga.

Safarka Ra'iisul Wasaaraha ayaa ah mid horey u baaqdey balse baaqdey markii qaraxa dadka badan ku dhinteen ka dhacey magaalada Muqdisho.

Khayre ayaa fursada safarkaan ugu faa'ideysan doona inuu booqdo dhaawacyada dadkii ku dhaawacmey qaraxa Muqdisho intooda loo qaadey Turkiga booqdo.

Sida Ilo-wareedyo katirsan Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha u sheegeen Warsidaha Garowe Online, Mudane Khayre ayaa la kulmi doono dhigiisa Turkiga Binali Yildirim, waxeyna kawada hadli doonaan xiriirka labada dal.

Safarka Ra'iisul Wasaaraha ee Turkiga ayaa qaadan doono mudo saddex maalmood ah, isagoo inta uu joogo dalkaasi is arkii doonaan madax kala duwan iyo jaaliyadda Soomaaliya.

Dadka darsa siyaasadda Soomaaliya, ayaa sheegaya in booqashada Khayre ay astaan u tahay xiriirka xoogan ee xilligan ka dhaxeeya Turkiga iyo Soomaaliya oo sii adkaanayay sanadihii lasoo dhaafay.

Wadanka Turkiga ayaa sidoo kale xiriir dhow la leh dalka Qadar kaasoo dowlada Federaalka ka aaminsan iney ugu hiiliyiin go'aankii dhexdhexaadnimada ahaa ay Villa Soomaaliya ka qaadatey khilaafka Khaliijka.

Danaha Turkiga ee Soomaaliya;

Turkiga ayaa saameyntiisa Soomaaliya u adeegsaday gargaarka bini'aadanimo ee uu u fidiyay shacabka xilli ay u baahan yihiin, oo abaaro ay ku dhufteen, iyadoo dhanka kale si joogta ah u siiyo dowladda Federaalka deeq dhaqaale.

Turkiga oo deeqaha raashinka gaarsiiyey inta badan Soomaaliya ayaa dhinaca kale mashaariicda hurumarinta ku koobey magaalada Muqdisho kaliya.

Bishii lasoo dhaafay, Turkiga wuxuu Muqdisho ka furtay saldhigiisa ugu weyn caalamka, kaasi oo Ankara ku sheegtay inuu yahay mid tababar, oo lagu tababaro ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya. Halkan ka akhri.

Saldhiggan oo ku yaalla deegaanka Jazeera, ayaa waxaa ku baxday dhismihiisa lacag dhan $50 milyan oo Dollar, wuxuuna ku fahdhigaa dhul baaxadiisu ballaaran tahay, oo lagu qiyaasay 5KM oo isku-wareeg ah.

Turkiga wuxuu kaloo isha ku hayaa illaha dhaqaale ee Soomaaliya, oo uu maalgashanayo, sida Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, Dekedda, Iskuullo, Jaamacado, Isbitaallo iyoo Goobo kaloo ganacsi.

Wasiirka ganacsiga Turkiga Bulent Tufenkci wuxuu sheegay in sanadkii lasoo dhaafay ee 2016-ka kaliya uu Turkiga geliyay Soomaaliya (Muqdisho) $118 milyan oo Dollar.

Madaxweyne Erdogan ayaa labo jeer yimid Muqdisho tan iyo 2011-dii, taasi oo muujinaysa sida Turkiga uu u danaynayo Soomaaliya, oo ah dalka Istraatiiji ah, oo dagaallo la dageen, islamarkaana lahayn dowlad xoog badan.

Soomaaliya ayaa xirtay Iskuullo iyo Goobo ganacsi uu leeyahay Fethullah Gulen, hogaamiyaha ku nool Mareykanka, ee lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay afgenbigii fashilay ee bishii July, 2016 ka dhacaya Turkiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM