Rajada isbedel-doonka Soomaaliya oo sii xoogeysaneysa

Image
Tani waxay hadda ka dhigan tahay in Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare labaduba ay gacanta ku hayaan mucaaradka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Doorasho dhacday habeenimadii Khamiista ayaa xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka 11-aad Soomaaliya waxa ay u codeeyeen Gudoomiyaha Golaha Shacabka, iyadoo ay ka horeysay isqabqabsi sababay dib u dhac ku imaaday waqtigii loogu talo galay in ay qabsoonto.

Cod bixinta oo kusoo idlaatay jawi farxadeed ayaa laga yaabaa in ay soo afjarto shantii sano ee uu xilka hayey Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxa ay wax walba ka bilowdeen ka dib markii la xadiday galitaanka teendhada Afisyooni, iyadoo shaqada laga joojiyay taliyaha ciidanka booliiska Jeneraal Cabdi Xassan Mohamed Xijaar oo ka mid ah dadka sida buuxda u taageera Farmaajo, isagoo lagu eedeeyay in uu khalkhal galiyay amniga qaranka iyo in uu carqaladeeyay dhaarinta tiro xildhibaano ah oo soo daahay.

Laakin Ra'iisul Wasaariha dalka, Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku adkeystay in doorashada hoggaanka Aqalka Hoose ay socon doonto iyadoo Howlgalka Midowga Afrika ee ku meelgaarka ah (ATMIS) ay la wareegeen mas'uuliyadda amniga sida uu faray Ra'iisul Wasaaraha.

In kasta oo Madaxweyne Farmaajo, oo muddo xileedkiisu dhammaaday 2021-ka uu ku adkaystay in ATMIS ay bixin karto "caawin amni" keliya, haddana Rooble oo ka soo duulay Geneva Arbacadii, wuxuu u sii gudbay goobta doorashada ka dhaceyso si uu shakhsi ahaan u kormeero qaabka ay u socoto shaqada.

Saacado badan oo is jiid jiid ah kadib ayaa 252 xubnood oo ka tirsan Aqalka Hoose loo ogolaaday in ay u codeeyaan guddoomiyaha baarlamaanka, iyadoo 17 xubnood oo cusub oo ka soo kala jeeda Gedo iyo Hirshabelle loo diiday in ay qayb ka noqdaan xubnaha codeynaya taas oo ka soo horjeeday rabitaanka mucaaradka.

Iyadoo jawiga uu isku bedelayo teendhada caanka ah, codadka isbedel dhow ayaa hawada kireeyay iyadoo naf hurid daqiiqadihii ugu dambeeyay ay badbaadisay mucaaradka, kuwaas oo aad u xiisaynaya inay kursiga ku ridaan.

Wareegii 1-aad ee doorashada ayaa waxaa ku soo baxay Xasan C/nuur oo ahaa musharaxii ay taageereysay Villa Somalia, waxaana uu u muuqday mid la doortay.

Wareegii koobaad ee doorashada ayaa waxaa hogaaminaye Xassan Cabdi Nuur oo ahaa musharixii ay gadaal ka riixayeen kooxda Villa Soomaaliya waxaana uu u muuqday mid la doortay.

Cabdinuur ayaa helay 98 cod, halka Sheekh Aadan Madoobe uu helay 74 cod, taasoo keentay wareegii labaad, oo ay isugu soo hareen afar musharax. Waa wareegii labaad markii mucaaridku si degdeg ah isu urursadeen, iyagoo falanqeeyayaasha ku tilmaamay hurumarkii Soomaaliya.

Waxaa is bedelay jawiga teendhada, saan-saanta isbedel doonka ah ayaa cirka isku sii shareertay, iyadoo nafhurnimo ay sameeyeen kooxda mucaaradka daqiiqadii u danbeysay ay noqotay mid ay ku guulaysteen.

Aadan Saransoor oo helay 23 cod iyo Cabdullaahi Black oo helay 33 cod ayaa tanaasulay, iyagoo taageeray Madoobe oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka xilligii 2007-2010. Saddexda musharax ayaa ahaa mucaarad, waxaana midawgoodu uu si hufan u soo afjaray rajadii Farmaajo ee ahayd in ay hogaamiyaan Golaha Shacabka.

Natiijadii ugu dambeesay ayaa Madoobe waxa uu helay 163 cod halka Xassan Cabdi Nuur uu hoos uga dhacay 98 cod uu helay wareeggii 1-aad, isagoona markii danbe helay 89 cod.

Xildhibaano badan ayaa isu baheystay si ay qeyb uga noqdaan isbadalka loo baahnaa. Tani waxay hadda ka dhigan tahay in Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare labaduba ay gacanta ku hayaan mucaaradka, ka dib markii Cabdi Xaashi loo doortay guddoomiyaha golaha guurtida.

Dadka saadaaliya siyaasadda geeska Afrika ayaa sheegaya in haddii ay xaaladda ku dhammaato sida ay hadda wax ku socdaan ay noqon doonto dhammaadka kooxda talada haysa ee Nabad iyo Nolol.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Lix kamid ah shaqaalaha Hormuud oo qarax lagu dilay

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda Qaraxa oo ka dhacay deegaanka Garas-Baaley ee duleedka Muqdisho.

  • Soomaliya

    28-04-2024

  • 06:36PM

Mareykanka oo ka hadlay musuqmaasuqa ka dhex-dilaacay taliska Danab

Washington ayaa hakisay qaar kamid ah kaalmadii dhanka difaaca ee ay siin jirtay dowladda Soomaaliya sanadkii 2017.

  • Soomaliya

    28-04-2024

  • 04:39AM