Reuters ayaa Sidatan u Qortay Xogta Dhan ee Kulamadii Madaxweyne Cirro ee Davos, Switzerland

Image

Kadib markii baraha bulshada lagu baahiyey in afhayeen u hadlay Eric Trump uu beeniyey in wiilka madaxweynaha Mareykanka kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Somaliland, warsidaha Garowe Online ayaa dib u eegay sida ay wakaaladda Reuters u baahisay xogta la xiriirta arrintaas, iyadoo u qortay sidatan:

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, ayaa ka qeyb galay Madasha Dhaqaalaha Adduunka ee Davos, isagoo halkaas ka waday olole uu ku doonayo aqoonsi caalami ah iyo in uu soo bandhigo fursadaha maalgashi ee ka jira deegaankiisa.

Casho albaabadu u xiran yihiin oo ka dhacday dhinacyada shirka, ayuu madaxweynuhu ka jeediyay hadal kooban, isagoo si gaar ah u iftiimiyay dekedda istaraatiijiga ah ee Berbera, oo ku taalla marin ka mid ah waddooyinka ugu mashquulka badan ee ganacsiga badda caalamka. Sida ay sheegeen dad goobta joogay, Berbera ayuu ku tilmaamay meel fure u ah isku xirka ganacsiga iyo maalgashiga gobolka.

Xafladda waxaa ka soo qeyb galay Eric Trump, oo ah wiilka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump isla markaana ka mid ah madaxda sare ee ganacsiyada qoyska Trump, iyo Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog. Israa’iil ayaa dhawaan noqotay dalkii ugu horreeyay ee ka tirsan Qaramada Midoobay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland.

Weriyayaal ayaa arkay Madaxweynaha Somaliland oo galay qolka ay ku sugnaayeen Eric Trump iyo Herzog, waxaana la arkay sawirro muujinaya isaga iyo Eric Trump oo gacan is salaamaya, wada qaadanaya sawirro.

Intii cashadu socotay, madaxweynuhu wuxuu istaagay isagoo makarafoonka haysta, wuxuuna hadal kooban u jeediyay ka qeybgalayaasha. Wuxuu sheegay in Somaliland ay muddo ka badan labaatan sano ahayd deegaan xasilloon, dimuqraadi ah, nabdoon, isla markaana u diyaar ah ganacsi iyo iskaashi. Wuxuu sidoo kale ku boorriyay martida in ay taageeraan dadaalka aqoonsi caalami ah ee Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland iyo Eric Trump ayaa la sheegay in ay labo jeer si kooban u wada hadleen markii ay is gacan qaadayeen, bilowga iyo dhammaadka munaasabadda.

Madaxweynaha Somaliland ayaa Khamiistii u xaqiijiyay Reuters in uu la hadlay Eric Trump iyo Isaac Herzog, isagoo sheegay in wada-hadalku uu ahaa mid wanaagsan.

Dhanka kale, afhayeen u hadlay Eric Trump ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland uu ka qeyb galay cashada isla markaana uu sawir la galay wiilka madaxweynaha Mareykanka, balse ay beenisay in labada dhinac yeesheen kulan gaar ah ama ay ka wada hadleen arrimaha dekedda Berbera. Waxay sheegtay in ay goobta joogeen in ka badan boqol qof, isla markaana wada-hadalku u ekaa kaliya is-dhaafsi salaam iyo hadallo kooban oo xushmad ah.

Tarjumada Garowe Online 

Related Articles

Wiilka  Trump oo beeniyay warar ku saabsan inuu Cirro kulan kula yeeshay Switzerland 

Saraakiisha la socotay Cirro ayaa baahiyay wararka ku saabsan inuu kulan dhacay oo Cirro kala hadlay Eric maalgashi inuu ku sameeyo Berbera.

  • Soomaliya

    27-01-2026

  • 02:48PM

Midowga Yurub oo bogaadiyay ku biirista mucaaradka wada-hadalka qaran

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, oo ay ku mideysan yihiin hoggaamiyeyaal goboleedyo iyo masuuliyiin hore.

  • Soomaliya

    27-01-2026

  • 01:59PM