Rooble: Aniga xag ALLE ka noolahay mooyee mar horaa dhintay

Image
Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Soomaaliya ayaa sheegay in uu helay farimo hanjabaad "dil ah".

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaaraha xukumadda xilgaarsiinta ah Maxamed Xuseen Rooble oo xalay ka qeyb galay kulan loogu duceynayo Xildhibaan Aamina Maxamed oo Beledweyne lagu dilay, ayaa cadeeyay in gacantii Ikraan Taliil dishay ay ka dambeysay dilka Xildhibaan Aamina Maxamed.

Rooble oo aad u careysan, isla markaana ilmeynaya ayaa sheegay inuu hayo fariimo loo soo diray markii ay isaga iyo Cali Guudlaawe go’aansadeen in kursigii ay Aamina Maxamed ku fadhisay aan qof gaar ah loo xirin oo la furo, taa badalkeeda lagu tartami doono.

Wasiirka 1aad ee xukumadda ayaa sheegay in dagaal adag uu u galay in Ikraan Tahliil ay cadaalad hesho, balse rag badan oo uu ku tashanaayey ay garabkiisa ka baxeen“Iyagoo halgankoodii ku soo gabagabeeyey war Farmaajo iyo Rooble kala celiya, uma aanaa socon Farmaajo, laakiin waxaan rabnay in Ikraan ay cadaalad hesho, balse waa la siyaasadeeyey mana ka hari doono Insha allah,”.

Rooble ayaa mar uu sharaxayay cidda dishay Ikraan Tahliil waxa uu  yiri “Waxaan kaloo aaminsanahay, sidaan u aaminsanahay ina cawadaba aan dhiman karo in Aamina gacanta ka gardaran ee dishay ay aheyd gacantii Ikraan ka danbeysay, sababtaan saas u leeyahay wax kale maahan, walaalkeey Cali Guudlaawe markuu ogolaaday in la furo kuraastii Baarlamaan, waxaa ogaanay in dhibaato soo gaari doonto, waxaa ley soo diray massage oo leygu leeyahay kursigaas aamina furitaankaa furteen waxaad ka heshaa leedahay, ujeedo klaa leedihiin, iyo boob, waxaad ka heshaa leedahay, Cali Guudlaawe waa iska celineynaa, illaah baa iga sareeyo waa hayaa massage-ka, waan u dhimanayaa, waana u dhiman doonaa”.

Ra’iisul Wasaaraha oo hadalkiisa sababeynaya ayaa sheegay in Cali Guudlaawe oo la soo xariiray intii uusan dhicin dilka Aamino, isagoo u sheegay in guddoomiyaha guddiga doorashada uu caqabad ku noqday kursigaas, isagoo doonaya inuu Aamino dhaafiyo, balse ay ku heshiiyeen in asagaba la bedalo.

“Aniga iyo Cali Guudlaawe waxaan xusnay in gabadhaas ay khatar ugu jirto in la dhibaateeyo, markaan go’aankaas qaadanay aniga iyo Cali Guudlaawe waxaa igu soo bilaawday fariimo la igu leeyahay kursigii ay ku fadhisay Aamino sababta aad tartankiisa u furtay waxaa dooneysaa inaad boobto, laakiin waxaad ka hesho ayaad leedahay Cali Guudlaawe iyo adigaba waan iska kaa celi doonaa,” ayuu yiri Rooble.

Wuxuu sheegay inay dadka ku dhex jiraan kuwii abaabulay dilka Aamina, lacagta ku bixiyey oo ninka is qarxiyey Beled-Xaawo ka keenay, balse aysan ka hari doonin.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in 14-ka Abriil ay baarlamaanka dhaari doonaan, kadibna dedeji doonaan doorashada, wixii markaas ka dambeeyana ay u soo jeesa doonaan la xisaabtanka dambiilayaasha.

Siyaasiyiinta ayaa cadeeyay in wada shaqayn dhex martay NISA iyo Maleeshiyada Al Shabaab lagu qaarajiyay AUN, Xildhibaan Aamino iyo ku dhawaad 50 ruux oo Beledweyne lagu dilay si loo qal qal galiyo amaanka dalka oo markii horaba halis ku jiray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM