Rooble iyo Farmaajo oo ku kala fogaadey talaabo Fahad qaadey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Cilaaqaadka ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed C/laahi Rooble iyo hogaanka maamulka Farmaajo ayaa sii xumaanaya, sida warsidaha Garowe Online u xaqiijiyeen dhowr illo wareedyo kala duwan.

Xiriirkan sii xumaanaya waxaa tusaale u ah, sida ay sheegayaan dadka u dhuun-daloola qadiyadan, in agaasimaha hay'ada sirdoonka Fahad Yaasiin uu dib u magacaabay saraakiisha uu shaqada ka eryay Rooble.

Sida ay caddeynayaan macluumaadyadda, Fahad ayaa Cabdullaahi Aadan Kulane u magacaabay kaaliyaha arrimaha siyaasadda iyo amniga, halka booskiisa madaxa shaqaalaha loo xushay Cabaas Yacquub.

Cabaas oo kamid ahaa hogaanka sarre ee hay'adda hadana noqonaya agaasime ku xigeenka hay'adda ayaa si gaar ah wuxuu madax ka ahaa qeybta Maamulka, Maaliyadda iyo Tiknoolijiyada.

Sidoo kale, C/wahaab Sheekh Cali oo Rooble uu ka qaadey jagada taliyaha sirdoonka garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa, sida ay xoguhu xusayaan, waxaa loo dalacsiiyey madaxa qorsheynta iyo Tiknoolijiyada.

Isbadaladan ayaa kusoo aadaya xilli Rooble uu booqasho ku joogo Ingiriiska halkaasoo uu kaga qeybgalayo shir madaxeed ku saabsan arrimaha horumarinta waxbarashadda wadamadda soo kabanaya.

Tixgelinta daacadnimadda

"Cabaas waa ninka loo badinayo inuu noqon doono Kusimaha Agaasimaha Hey’adda NISA, marka uu xilka xilka banneeyo Fahad Yaasiin oo la rumeysan yahay inuu doonan rabo kursi Xildhibaan si uu xasaanad ugu helo haddii Farmaajo dib loo dooran waayo," ayay raaciyeen illo wareedyadda.

Kursiga Xildhibaanimada ee Fahad damaca uga jiro waxaa degaan doorashadiisu tahay HirShabelle gaar ahaan magaaladda Jowhar, waxaana hadda ku fadhiya Faarax Cabdulqaadir, mid kamid ah xulafada Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynihii hore ee dalka.

Kaliya ma ahan Fahad Yaasiin shaqsiyaadka Xildhibaanimada u goobaya in ay isku ilaaliyaan haddii Farmaajo dib loo dooran waayo, waxaa kamid ah in ka badan 10 sarkaal kale oo kamid ah NISA kuwaasoo kasoo kala geli doona maamulada taabacsan dowladda.

Saraakiishan uu kamid yahay Kulane ayaa ka cabsi qaba in ay wajahaan maxkamadeyn haddii Farmaajo ku fashilmo difaacashadda kursiga "maadaama ay wajahayaan eedeymo kala duwan oo isugu jira tacadiyo bini'aadanimo iyo weeraro ka dhan ah madax iyo siyaasiyiin.

Socdaalkan Rooble oo noqonaya kii saddexaad ee dibada ku taago tan iyo markii la magacaabay ayaa kusoo aadaya xilli cilaaqaadka kala dhaxeeya madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey Farmaajo uu aad u xumaadey.

Damaca Rooble ee xilka madaxtinimada

Wararka ayaa soo-jeedinaya in Villa Soomaaliya aysan ku farxin qaabka uu xukuumada xilgaarsiinta u maareyneyso geedi-socodka doorashooyinka dadban "oo ay dooneyso in uu noqdo mid gabi ahaanba u afduuban Farmaajo".

Farmaajo oo u ordaya in uu difaacdo kursiga uu ku fadhiyey afartii sano ee lasoo dhaafay ayaa May, 2021 Rooble ku wareejiyay daadihinta howlaha doorashooyinka markii uu ku fashilmay agaasinta hab loo dhan yahay.

Inkasta oo fagaareyaal kala duwan uu ka sheegay in uusan damac badan uga jirin qabashada xilka madaxweynaha, haddana tafaasiil cusub oo soo baxaya ayaa sheegaya in Rooble ay "dhici karto in uu isa soo sharaxo".

"Iyaddoo safarkiisa qorshuhu yahay maanta illaa berri, haddana waxaa jira guux ah in laga yaabo in uu isku soo sharaxo xilka madaxwaynaha kadib socdaalan," ayuu yiri mas'uul codsadey in aan magaciisa la shaacin.

Tani ayaa dhabar-jab ku noqon doonta Farmaajo kaasoo raadinayey ra'iisul wasaare dhisa balse aan la tartamin. Xasan Cali Khayre oo saddex sano iyo bar ayay ku kala tageen damac muddo kororsi iyo hogaaminta dalka.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ra'iisul wasaare kursiga madaxweynaha kula tartamo madaxweynihii isaga magacaabay waana waaya-aragnimo la arkay dhowaanahaanba balse ma dhicin in ay xilka isku wareejiyaan.

Hal jeer ayay taariikhda Soomaaliya oo idil ka dhacday in madaxweyne uu xilka ku wareejiyo ra'iisul wasaare uu magacaabay waana Aadan Cabdulle Cismaan [Aadan Cadde] iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake sanadkii 1969-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo heshiisyo ballaaran kala saxiixdey

Heshiisyadan ayaa qeyb ka ah Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre.

  • Soomaliya

    07-05-2024

  • 03:19AM

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo loogu soo dhaweeyey Magaalada Nairobi

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, iyo horumarinta iskaashiga.

  • Soomaliya

    06-05-2024

  • 09:15AM