Rooble oo Imaaraadka gaarsiiyey fariin uu ka riday Xasan Sheekh

Image
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Sheikh Maxamed Bin Zayid

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib socdaal 4 cisho qaatay oo uu ku tagay waddanka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Intii uu joogay dalkaas, Rooble ayaa wuxuu ka qeyb galay tacsida madaxweynihii geeriyooday ee Imaaraadka Carabta Allaha u naxariistee Sheikh Khalifa Bin Zayid. 

Rooble ayaa intii uu joogay Imaaraadka wuxuu magaalada Abu Dhabi kula kulmay madaxweynaha Imaaraadka Sheikh Maxamed Bin Zayid oo uu uga tacsiyeeyay geerida madaxweynihii hore Sheikh Khalifa.

Sidoo kale, wasiirka koowaad ee xukuumadda Soomaaliya ayaa u rajeeyay in uu Eebbe ku guuleeyo mas’uuliyadda loo doortay  ee hoggaaminta dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Dhanka kale, Rooble ayaa Sheikh Maxamed Bin Zayid gaarsiiyay dhambaal tacsi, salaan iyo hambalyo ah oo uu uga siday madaxweynaha dalka Xasan Sheikh Maxamuud.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah xilka uga wareegay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kadib munaasabad ka dhacdey gudaha Madaxtooyadda Qaranka.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu uga mahadceliyay dowladda Imaaraadka Carabta sida ay u garab istaagtay Soomaaliya xilliyadii adkaa, gaar ahaan  gurmadkii ay la soo gaartay dadka Soomaaliyeed ee abaarta ba’ani hayso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shacabka Gobolka Banaadir Oo Lagu Qasbayo Diiwaangelinta Doorashada

Waxa ay ku baaqeen in laga hortago in codadka lagu qasbo ama lagu shubo si aan sharci ahayn, si doorasho xor ah oo daahfuran loo xaqiijiyo.

  • Soomaliya

    28-06-2025

  • 07:37AM

Madaxweynaha Jubaland oo Kismaayo ku laabtay kadib safar uu ku tegay Puntland

Madaxweynaha ayaa sidoo kale si cad uga horyimid wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka KMG ah.

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 06:51PM