Rooble oo looga warbixiyey turxaabinta guddiyada

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta wuxuu warbixin faahfaahsan ka dhageystay Guddiga Xaqiijinta Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka.

Rooble ayaa la sheegay in uu bogaadiyey shaqada wanaagsan ee ay ka qabteen xal u helista tabashooyinka maangalka ah ee laga soo gudbiyey xubnaha Guddiyada doorashooyinka dalka.

Wasiirka koowaad ayaa adkeeyey ballan-qaadkii Xukuumadda ee ku aaddanaa hoggaaminta geeddi socodka doorasho daah-furan oo deg deg ah, laguna kalsoonaan karo.

Sida uu xafiiskiisu shaaciyey, Rooble ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in loo midoobo danta guud, lagana fogaado dhaliilaha aan wax dhisayn, "si loo sii amba-qaado qabsoomidda doorashada".

Guddoomiyaha Guddiga Xaqiijinta Guddiyada Doorashooyinka ahna Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Abuukar Xaaji ayaa kulanka wuxuu ka bixiyey fahfaahin.

Xaaji ayaa soo bandhigay tallaabooyinka loo qaaday qabsoomidda doorashada, wuxuuna ku ammaanay Dowlad-goboleedyada soo gudbiyey xubnaha lagu beddelay xubnihii hore, kana codsaday ciddii ay ku dhiman yihiin xubnaha haray in ay degdeg u soo magacaabaan.

Puntland iyo Jubaland ayaa horey u magacaabay xubnaha ku metelaya guddiyada doorashooyinka, balse waxaan wali soo gudbin maamuladda kale ee kala ah; Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle, mana cada sababta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM