Rooble oo magacaabay agaasimeyaal cusub

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Axada maanta ah wuxuu magacaabay laba mas'uul, sida lagu sheegay laba digreeto oo kasoo baxdey xafiiskiisa.

Sida ku xusan wareegtada koowaad oo uu arkay warsidaha Garowe Online, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa loo magacaabay Cabdullaahi Xayir Ducaale.

Ducaale ayaa bedelaya Cabdinaasir Xuseen. Warar aan si rasmi ah loo xaqijin waxay tibaaxayaan in eryida Xuseen ay salka ku hayso "rabitaan ka timid Madaxtooyadda Soomaaliya".

Sidoo kale, digreetadda labaad oo iyadana uu arkay mareegga GO waxaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta loogu magacaabay Saciid Cabdullaahi Calasow.

Rooble ayaa, sida ku cad qoraalka, wuxuu go'aankan qaatay "kadib markii uu tixgeliyay soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta" dowlada federaalka.

Wasiirka koowaad ee xukuumada xilgaarsiinta Soomaaliya ayaa bishii hore wuxuu wasiiradiisa ka joojiyey in ay qaadaan talaabooyin "uusan ogeyn" ama "saameynaya mar-xaladda kala guurka dalka".

Isbedeladan ayaa kusoo hagaagaya xilli ay socdaan dedaalada lagu kala saarayo xubnaha kamid ah guddiyada doorashooyinka ee ay cabashadda ka gudbiyeen musharaxiinta wallow su'aal ka jirto qaabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM