Rooble oo markale xaliyay Khilaafka Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo uu dhammeeyay madmadowgii soo kala dhex galay.

Kadib dhex-dhexaadinta Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi, ayaa la isku afgartay in ay si wada jir ah Ra’iisul Wasaaraha ugala shaqeeyaan dhammeystirka doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda Somaliland.

Horey ayuu sidan oo kale Rooble heshiis u dhex-dhigay labadan mas'uul oo ah kuwa ugu sareeya xubnaha siyaasiyiinta kasoo jeeda Somaliland, ee ku jira dowadda uu waqtigeeda dhamaadey, iyagoo isku haya arrimaha doorashadda kuraasta Baarlamaanka.

Rooble ayaa horyaalla khilaafyo iyo caqabado badan oo ku hor-gudban doorashadda, iyadoo laga cabsi qabo hadda in jadwalkii ugu dambeeyay uu shaqeyn waayo, maadaama 40-kii maalin ay bil ka hartay, islamarkaana dhiman yihiin 213 kursi.

Illaa hadda 28 kursi ayaa lagu doortay dhowr iyo tobankii maalin ee lasoo dhaafay, waxaana isku cel-celis ahaan noqonaysaa in maalintii 3 Xildhibaan la doorto, taasoo keenaysa inuu sii jiitamo jadwalka doorashadda Soomaaliya oo sanad hadda dib u dhacday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM