Rooble oo markale xaliyay Khilaafka Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo uu dhammeeyay madmadowgii soo kala dhex galay.

Kadib dhex-dhexaadinta Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi, ayaa la isku afgartay in ay si wada jir ah Ra’iisul Wasaaraha ugala shaqeeyaan dhammeystirka doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda Somaliland.

Horey ayuu sidan oo kale Rooble heshiis u dhex-dhigay labadan mas'uul oo ah kuwa ugu sareeya xubnaha siyaasiyiinta kasoo jeeda Somaliland, ee ku jira dowadda uu waqtigeeda dhamaadey, iyagoo isku haya arrimaha doorashadda kuraasta Baarlamaanka.

Rooble ayaa horyaalla khilaafyo iyo caqabado badan oo ku hor-gudban doorashadda, iyadoo laga cabsi qabo hadda in jadwalkii ugu dambeeyay uu shaqeyn waayo, maadaama 40-kii maalin ay bil ka hartay, islamarkaana dhiman yihiin 213 kursi.

Illaa hadda 28 kursi ayaa lagu doortay dhowr iyo tobankii maalin ee lasoo dhaafay, waxaana isku cel-celis ahaan noqonaysaa in maalintii 3 Xildhibaan la doorto, taasoo keenaysa inuu sii jiitamo jadwalka doorashadda Soomaaliya oo sanad hadda dib u dhacday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM

Sayid Macalin Daa'uud oo mar kale lagu xukumay dil toogasho

Maxkamadda Rafcaanka Gobalka Banaadir ayaa go'aankan gaartey Arbacada maanta ah.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:42PM