Rooble oo Safiirka Mareykanka kala hadlay arrimo muhiim ah [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaararaha Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Maanta Safiirka Cusub ee Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Larry Adre, waxaana wadahadalka uu ka dhacay Afisyooni, oo Garoonka diyaaradaha ku dhegan.

Waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labad dal, dhammeystirka doorashooyinka dalka, Amniga iyo la dagaallanka argagixisada iyo kaalinta Mareykanka ee wax ka qabashada abaarta baahsan ee dalka ka jirta.

Kulanka ayaa kusoo beegmaya maalmo kadib markii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka shaacisay inay xayiraada safarka ah kusoo rogtay shaqsiyaad aysan magacyadooda sheegin, kuwaasoo caqabad ku ah doorashadda iyo dimuqraadiyadda Soomaaliya.

Safiirka Mareykanka ayaa dhawaan dalka yimid, waxaana uu la kulmay Farmaajo iyo madax kale, iyadoo dowladiisa ay cadaadis ku saareyso dowladda Federaalka iyo Maamulada inay dhaqso usoo dhameystiraan doorashadda mudada dheer dib u dhacaysay.

Mareykanka ayaa ah dowladda kaliya ay codkeeda iyo baaqeedaa dhageystaan siyaasiyiinta Soomaaliya, oo khilaafyadooda xaliya marka Xalana qoraal laga soo saaro, gaar ahaan Safaaradda Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM

Trump oo Ku Hanjabay inuu dhalashada kala noqon doono Soomaalida lagu helo falal khiyaano ah

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo la xoojinayo nidaamka socdaalka iyo amniga gudaha ee wadanka Maraykanka.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 08:54AM