Rooble oo taageeray talaabo uu qaadey hogaamiyaha HirShabelle

Image
Labada hogaamiye ayaa, sida xukuumada shaacisay, waxay yeesheen wadahadalo dhanka telefoonka ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa taageeray isbedelka uu hogaanka HirShabelle ku sameeyay guddoonka guddiga doorashooyinka heer maamul goboleedkaas.

Cali Guudlaawe Xuseen Guudlaawe, madaxweynaha Hirshabeelle, ayaa xilkii Gudoomiyenimo iyo xubinimada Guddiga ka qaaday Axmed Xasan Diini kuna bedelay Maxamed Xuseen Maxamed (Waadi).

Xilka qaadistaan ayaa timid kadib markii guddoomiyihii guddigaas uu xalay soo saaray warqad ay ku qoryaanyeen odayaal la sheegay in ay soo xulayaan ergada dooranaysa saddax kursi oo kamid kuraasta taalla Baladweyn.

Rooble oo qoraal soo saarey ayaa hoosta ka xariiqay in uu garab taagan yahay dedaaladda Guudlaawe ku xaqiijinayo daahfurnaanta geedi-socodka soo xulista kuraasta hartey ee xubnaha Aqalka Hoose.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA ROOBLE SOO SAAREY

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, waxa uu si dhaw ula socdaa juhdina ku bixinayaa dhammaystirka doorashada kuraasta Golaha Shacabka BFS ee wali harsan isagoo kala shaqaynaya Madaxda Dowlad-goboleedyada Jubaland iyo Hirshabeelle.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu u hambalyaynayaa Maxamed Xuseen Maxamed oo xubin ka noqday Guddiga Doorashada ee Hirshabelle kaas oo badalaya Axmed Xasan Diini, waxa uuna farayaa dhamaan Guddiyada doorashooyinka in ay ku shaqeeyaan habraacyada iyo heshiisyada Doorashada ilaaliyaanna kala danbaynta.

Ra’iisul Wasaaraha oo khadka taleefanka kula hadlay Madaxwaynaha Hirshabeelle Ali Gudlawe Hussein ayay ka wada hadleen in kuraasta Xildhibaannada ee taalla Baladwayne loogu tartamo si furan isla markaana aan shaqsi gaar ah loo xirin.

Ugu danbayn Ra’iisul Wasaaraha XFS waxa uu ku boorrinayaa Madaxda Jubaland iyo Hirshabeelle in ay sida ugu dhaqsaha badan u soo dhammaystiraan Kuraasta Golaha Shacabka ee harsan.


Hirshabelle oo lagu amaanay qaabkii ay u maaraysay codaynta golaha shacabka ayaa lagu eedeeyay in ay kuraasta golaha shacabka qaarkood u boobtay xubno ka tirsan Villa Somalia oo uu ku jiro Fahad Yaasiin Daahir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM